Saxilnews.com
Khilaafka Dhulka Ee Magaalada Berbera Oo Cirka Isku Shareeray + TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA EE GOBOLKA SAAXIL AYAA KU KALA GUNTAY LABA KOOXOOD ISKU CIIDAN URURSANAYEY DHILAAF DHINACA DHULKA AH
January 9, 2018 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Khilaafadka dhulka ayaa si xoogleh uga cusboonayday magaalada Berbera iyadoo maalinba maalinta ka dabaysa isa soo taraysa muranka iyo khilaafka kusaabsan dhinaca dhulka ay dadku isku hayaan .

Muranada dhulka ee soo cusboonaayda ayaa waxa inta badan salka ku hayaan musuq maasuq iyo wax is daba marin dhinaca dhulka ah oo ka imanaya dhinaca dawlada hoose ee Degmada Gaar ahaana Waaxda hawlaha guud iyo dhulka oo libin ka haysta maamulka sare ee Dawlada Hoose Ee Degmada Berbera ,

Kuwaasi oo ay dhibaatadooda la hod’meen dadka reer Berbera isla markaasina ay wayeen cid ka qabta oo ay uga ashakatoodaan taasi dadka reer berbera dhaxalsiisay inay deris la noqdaan dhibaatooyin isugu jira dhac ,Boob ,Cadaalad Darro marmar dadka gaadhsiisa  heer ay ku talo qaatan inay dhibaato gaystaan  iaydoo arinta uga darani ay tahay dadka fooda laysu galinayo ee qof dhul sharci uhaystay inta laga qaado qof kale lasiinayo taasina ay noqotay baryahan danbe wax caadi ka ah magaalada Berbera iyadoo ay ugu sii daran yihiin Inamada Yaryar Ee Madax Ku Tiyoobay ee ku macaasha dhibaatada iyo iska horkeenka bulshada arintani ayaa haatan maraysa halkii ugu darnayd .

Manta oo udanbaysay taliyaha Qaybta Booliska Ee Gobolka Saaxil Aadan Cabdi Cawaale (Khushi) ayaa ku kala gurmaday labo kooxood oo isku ciidan urursanayey duleedka magaalada Berbera markii dhawr jeer oo horena iska hor ‘’imaad ku dhex maray  kadib markii uu khilaafakni mudo dheer soo noqnoqday balse ay waxba ka qaban wayday Dawlada Hoose Berbera oo iyadu uxilsaaran Arimaha Dhulak

Isla sidoo kalena gudaha magaalada Berbera waxa ka  dhacay manta oo qudha dhacdo taasi la mid ah oo ay dad iskaga hor yimadeen arimo la xidhiidha khilaafka dhulka ee sii xoogaysanaya  agagaarka xaafada filand ee Berbera arimahan khiaafka dhulka ee isa soo taranaya ayaa waxay ka marag kacayaan dhibaatooyinka dhinaca dhulka ee baryahan danbe ragaadiyey dadka Reer Berbera

Tiro malaha inta habeen iyo maalin dawlada hoose ee Berbera hortaagan ee ay saamaysay dhibaatada dhulka kuna jaahwareersan musuq maasuqa iyo cadaalad darrada ka taagan dawlada hoose Berbera isla markaasina jid iyo ceeltoona loo saari la yahay , wehelkana ay unoqotay murugada iyo ciilka ay  badeen kooxda ku mamtay tuugada iyo dhac dadka masaakiinta ah ee xilka loogu dhiibay .dhibaatada kale ee jirta ayaa waxay tahay inay meesha ka baxeen ragii aqoonta iyo waayo aragnimada ulahaa dhulka ee dadka kala saari jiray eek amid ahaayeen Cawil Yoohiye Iyo Cawl Basaas ,Cabdiqaadir Maxamed Nuur , Eng Cawl Baale isla markaasina ay badaleen inamo yaryar oo aan khibrad iyo aqoontoona ulahayn arimaha dhulkee cakiran

Hore ayey khilaafadka dhulka  ugalaafteenn nafaha qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Berbera markii ay wayeen cid si cadaalad ah ugu xaqsoorta isla markana kala badbaadisa nafahooda .

 

Arintani ayaa hadii ay sidaasi kusii socoto waxay keeni kartaa cawaaqib xumo aan laga soo waaqsan Karin .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
Latest News