Saxilnews.com
Khilaaf Adag Oo Ka Dhex Qarxay Maayarka Caasimada Hargeysa Iyo Xoghayaha Cusub Ee Dawlada Hoose+Waxa Ay Isku Maandhaafeen Iyo Qorshayaal Maayirka Maleegay  
July 2, 2017 - Written by suxufi
 

Hargeysa(Saxilnews)-Wararka soo if baxaya maalmihii u danbeeyey ayaa waxay sheegayaan in khilaaf adag uu soo kala dhex galay maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco iyo xoghayaha cusub ee dhawaan losoo magaacaabay dawlada hoose ee caasimada Hargeysa.

Khilaafkan ka dhex qarxay labadan masuul ayaa sababay inay hakad gasho shaqadii iyo awoodii labadan masuul,waxaana sida xogo kasoo baxay ay sheegayaan u khilaafkan huursanaa ee dabada usoo baxay uu ka dhashay kadib markii uu xoghayuhu diiday saxeexa lacago la sheegay in sifooyin sharci daro ah u baxaysay,taas oo xoghayuhu ku gacan saydhay inuu saxeexo waa sida la sheegaye,intaasi kadibna uu maayirku aad uga cadhooday isla markaana labadan masuuluu ka dhex qarxay khilaaf adag,

Maayarka caasimada Hargeysa ayaa la sheegay inuu ugu hanjabay xoghayaha inuu Birta dhaafin doono,waxaana la sheegay in uu maayirku ururiyey 15 xildhibaan oo saxeexay warqad cabasho ah oo loo gudbinayo wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo masuulkani ka socdo,waxaana khilaafkani uu sababay in hakad ay gashay awoodihii labadan masuul iyo shaqadii dawlada hoose ee caasimada Hargeysa.

xoghayaha dawlada hoose ayaa ah kii Saddexaad ee todoba Bilood gudahood khilaaf dartii xilalka looga qaado,ilaa hadda lama garanayo halka uu saldhigan doono khilaafkaasi ka dhex qarxay maayarka iyo xoghayaha dawlada hoose ee caasimada Hargeysa.

 

COMMENTS
Latest News