Saxilnews.com
Khasaare Xoogan Ayaa Soo Gaadhay Dhuumaha Haamaha Shidaalka Ee Berbera
June 7, 2017 - Written by suxufi

Khasaare Xoogan Ayaa Soo Gaadhay Dhuumaha Haamaha Shidaalka Ee Berbera kadib markii uu maalintii shalay khasaare xoogani soo gaadhay dhuumaha shidaalka qaada ee dhexyaala badda kuwaasi saliida soo marto markuu kusoo xidho markabka tangarka haabada hore ee badda Waxaa la sheegay inay dhacdadani ay ka timi farsamo xumo ka dhalatay maamulida soo xidhida markabka gaar ahaana dhinaca Harbourka ama faraca bada ee qaabilsan ee Dekeda Berbera Sidoo kale arintani ayaa salka ku haysa maamul xumada shirkada Haamaha La Wareegtay Berbera Oil Group oo aan ilaa hada jaangoyn ama aan ka fekerin ilaalinta horunarinta shubista shidaalka oo ilaa hada lagu shaqeeyo farsamooyinkii hore ee (Manualka )ahaa taasina waxay haamaha ka reebtay la jaanqaadida habka caalmiga ah ee shidaalka loo maamulo Khasaaraha jabida beebkani oo ahaa kii ugu waynaa ee haamaha shidaalka ayaa ilaa hada aan waxba laga qaban oo aan ilaa hada loo dhaqaaqin dhankiisa marka laga reebo markiibkii oo ilaa hada ku xaniban goobta ay markiibtu isa soo taagan marka ay shidaalka shubayaan Arintani ayaa ilaa hada aan la xal loo helid dhamaystirka arintanj laf jabka ku ah kaydkii haamaha shidaalka ee Berbera Iyo shirkada xoogsatada ah ee maamusha kaydka haamaha shidaalka ee qarankuna leeyahay Ilaa hada lama saadalin karro halka uu ku danbayn doonto arintani la xidhiidh jabintaanka beebkani muhiimka ah ee haamaha shidaalka kaasi oo keeni karra inuu kala go, ama dhamaado shidaalkaa

COMMENTS
Latest News