Saxilnews.com
KAL FADHIGII 29 EE GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO MAANTA SI RASMIYA UFURMAY
November 28, 2015 - Written by admin

Hargeysa (SAXILNEWS)_Waxaa maanta  si rasmi ah uga furmay xarunta golaha baarlamaank Somaliland kal fadhigii 29 ee golahaasi .

golaha 1

Fadhigan oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo ay hareero fadhiyaan labada gudoomiye ku xigeen ee golahaasi ayaa waxaa mudanayaasha golahaasi loo qeybiyey ajandaha kal fadhigaasi .

Markii loo qeybiyey xildhibaanada golahaasi waxaa uu gudoomiye ciro uu mudanayaasha golahaasi ku war galiyey in golaha lagu soo kordhiyey nidam cusub oo lagu xaadirin doono mudanaaysha taas oo ah in ay xildhinaadu gacanta saari doonan software sheegi doona wakhtiga uu xildhibaankaasi yimid golaha iyo wakhtigi uu ka baxay isla markaana lagala socon doono joogitaanka xildhibaanka oo awal hore ahaan jirtay mid gacanta lagu qoro ama manual ah .

            Halkan Hoose Ka Akhri Ajandaha Kal Fadhiga 29                                           

JAMHUURIYADA SOMAILAND

GOLAHA WAKIILADA

Ajandaha Kalfadhiga 29aad ee Golaha Wakiilada.

26/11/2015

  1. Warbixinta Shirgudoonka, Guddida Joogtada ah iyo Gudiyadda Golaha

Wakiilada

  1. Xogogaal u noqoshada Xalada Dalka.
  2. Mashaariicda Sharci ee Golaha Horyaal.
No. Magaca Xeerka Marxalada aa u marayo Cida Gacanta ku haysa
1.     Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada Waxka bedel iyo kaabis Guddida Joogtada
2.    Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka W/Maaliyadda W/Maaliyadda
3.    Xeerka Kufsiga Akhriska 1aad Guddida Shurcda
4.    Xeerka Waxbarashada Qaranka JSL Akhriska 1aad Gudidda Arrimaha bulshada
5.    Qabyo Qoraalka Xeerka Maaraynta Maaliyadda iyo Xisaabaadka
6.    Qabyo Qoraalka Xeerka Hanti-dhawrka Qaranka
7.    Qabyo Qoraalka Xeerka Kastamada
8. Qaybo Qoraalka Xeerka Dakhliga Cashuuraha Barriga
9. Qaybo Qoraalka Xeerka Qandaraasyada dawlada Somaliland
10. Xeerka Somaliland Road Auiltority Akhriska 1aad Gudidda Gaadiidka iyo Wadooyinka
11. Xeerka Baanka Ganacsiga Gudi Gaar ah Gudi Gaar ah
12. Xeerka Saxaafada Waxkabedel iyo kaabisa Gudidda Arrimaha Bulshada
13. Xeerka Doorashada Golaha Guurtida Ka soo noqodayG.Guurtida Gole Waynaha
  1. Uyeedhista Masuuliyiinta Qaranka
  2. Ansixinta Masuuliyiinta Qaranka
  3. Xeerarka Golaha Guurtida ka soo noqda
  4. Xeerarka Madaxweynaha ka soo noqda ee aanu saxeexin.
  5. Iyo Wixii kale ee soo kordha

Allaa Mahad Leh

Shir-gudoonka Golaha Wakiilada JSL

 

 

BY MAXAMED ILKACASE

COMMENTS
Latest News