Saxilnews.com
Jose Mourinho Oo Albaabka U Furay Ku Laabashada Real Madrid Laakiin Ku Xidhay 2 Shardi
March 4, 2019 - Written by editor

Tababare Jose Mourinho ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya ku laabashada tababarista kooxda Real Madrid xilli ciyaareedka dambe.

Jose Mourinho ayaa ka fal celiyay mar kale wararka la xiriirinaya kooxda Real Madrid xilli uu falanqeeye ka ahaa shabakada beIN SPORTS.

Mourinho arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Wax dhib ah kama qabo in aan ku laabto kooxda Real Madrid”.

“Laakiin shardiga aan haysto ayaa ah in uu jiro mashruuc cad oo ay kooxdu leedahay iyo waliba jawi fiican laakiin wax dhib ah uma arko ku laabashada Real”.“Waxa fiican in ay koox walba dib u soo ceshato tababareheedii hore

mar kale”.

“Real Madrid waa koox weyn kuwaas oo gaadhay guulo waa weyn oo ayna gaadhin kooxaha kale kadib markii ay ku guulaystay 4 champions league 5-tii sano ee ugu dambaysay

COMMENTS
Latest News