Saxilnews.com
Jaamac-Shabeel Oo Mar Kale Kusoo Baxay Jagadda Gudoomiyaha Gollaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE
November 10, 2015 - Written by admin

Hargaysa (SAXILNEWS)_Doorashadda Hogaanka Gollaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE,ayaa hadda dhamaatay,waxaana dib ugu sharaxnaa jaggaddaas Gudoomihii hore Gollaha Dhexe Jaamac-shabeel.
Ergadda guud ee madasha fadhida,ayaa ah 365 Xubnood,waxaana musharax Jaamac-shabeel u codeeyay inuu noqdo Gudoomiyaha Gollaha dhexe ee Xisbiga.Waxa ogolaaday Gudoomiyaha Gollaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee shanta sanno ee soo socota 338 Xubnood.Waxa Diiday 19 Xubnood,Waxaana ka aamusay 18 Xubnood,waxaana diiday 19 Xubnood,sidaasna waxa uu ku noqday Gudoomiyaha Gollaha dhexe ee Xisbga KULMIYE.

Gudoomiye Jaamac-shabeel,ayaa khubad uu jeediyay ugu mahad-naqay Xubnaha Gollaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE,waxaana uu intaas raaciyay in sacaddaas la joogo laga bilaabo uu si rasmi ah u furmay Shir-weynaha 5-aad ee Gollaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE,Waxaana uu soo jeediyay in si rasmi ah loo guddo-galo Ajandaha Shir-weynaha Xisbiga KULMIYE.

 

COMMENTS
Latest News