Saxilnews.com
JAALIYADA SOMALILAND EE KENYA OO SOO DHAWEYSAY SAFIIRKA CUSUB EE UU MADAXWEYNE SIILAANYO U MAGACAABAY
April 2, 2015 - Written by admin
Nayrobi (Saxilnews.com)-Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Dalka Kenya ayaa si diiran u soo dhaweeyay magacabista safiirka cusub ee shalay uu madaxwaynaha somaliland Axmed Silanyo u soo magacabay, in uu noqdo danjiraya jamhuuriyadda somaliland u fadhiisan doona dalka Kenya Amb Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe) 
Jaaliyadda somaliland ayaa madaxwaynaha ku hambalyeysay magacabista shaqsiga uu u soo magacabay xilkan qaran ee safiirka kenya,waxaana ay hoosta ka xariiqeen in magacabistani ku soo beegantay wakhti aad

u muhiim ah oo ay filayeen jaaliyadda reer somaliland ee ku nool dalkani kenya,iyaga oo ku niyadsan in uu wax badan ka qaban doono hawshan qaran ee loo soo igmaday,kuna sifeeyay shaqsi ka bixi kara hawshan oo hawl kar iyo shaqo wanaag lagu majiirto.
Dhinaca kale waxa ay hormuudka iyo xidhiidhyada jaaliyadda somaliland ee dalkan Kenya ogaysiinayaan dhamaan jaaliyadda somaliland ee Nairobi iyo magaloyinka kale ee ka baxsan ba in ay u diyaar garooban soo dhawaynta safiirka iyada oo dib looga soo sheegi doono wakhtiga uu ku soo beeganyahay iman shihiisa magalada Xarunta Nairobi.
Isku soo wada duub oo waxa ay magacabista safiirkan cusub ee kenya ku soo beegmaysaa xilli aad ay ugu baahi qabeen jaaliyadda somaliland ee dalkan kenya safiir hanan kara hawshan qaran,isla markaasina la jaan qaadi kara kana shaqeeya isku xidhka iyo iska war haynta jaaliyadda,iyada oo mudadii uu xilka hayey safiirkii hore sifir si wayn loogu dhaliili jiray in ay meesha ka baxday wada shaqayntii jaaliyadda iyo waliba safarada.

 

COMMENTS
Latest News