Saxilnews.com
Israa’iil: Maxkamad murashaxnimada ka mamnuucday nin siyaasaddiisu garabka midig ee fog tahay
March 18, 2019 - Written by editor
Michael Ben-AriLahaanshaha sawirkaEPA

Maxkamadda ugu sarraysa Israa’iil ayaa muruashaxnimada doorashada bisha soo socota ka hor istaagtay Michael Ben-Ari oo madax u ah xisbiga Jewish Power ama Awoodda Yuhuudda.

Go’aanka ay maxkamaddu gaartayna wuxuu meesha ka saaraya mid kii ay horay u gaareen guddiga doorashada.

Ben-Ari ayaa dhaliil kala kulmay hadalkii u ka yiri Carabta Israa’iil.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Isra’iil Avichai Mandelblit ayaa sheegay in hadalka uu yiri uu u dhigmo kicin iyo cunsurinimo.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ogaalatay xisbiyadii Carabtu in ay ka qayb qaadan karaan doorashada 9 Abriil dhacaysa oo horraan looga hor istaagay.

Waxaa doorashada looga hor istaagay hadalladii adkaa ee ay ka dhaheen xukuumadda Israa’iil iyo Ciidammada qalabka sida ee Israa’iil.

Ka hor doorashada Ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu ayaa xulafo la noqday qaar ka mid ah xisbiyada siyaasaddoodu midigta fog tahay isaga oo isku dayaya in uu taageero ka helo.

Xisbigiisa Likud ayaa u muuqda in uu doorashada door wayn ka ciyaari doono inkastoo ay socdaan baaritaanno lagu hayo oo la xiriira musuqmaasuq

COMMENTS
Latest News