Saxilnews.com
Ismaan Dhaaf Ka Dhex Qarxay Wasaarada Maaliyada Iyo Maamulka Dekeda Oo Ka Dhashay Sarkaal Hore Uga Tirsanaa Shaqaalaha Dekeda Oo Sifo Sharci Daro Ah Ugu Wareegay Wasaarada Maaliyada Iyo Wasiirka Duulista Oo Ka Qeyb ka AH
March 31, 2015 - Written by admin

Berbera (Saxil News.com)-Ismaan Dhaaf Ka Dhex Qarxay Wasaarada Maaliyada Iyo Maamulka Dekeda Oo Ka Dhashay Sarkaal Hore Uga Tirsanaa Shaqaalaha Dekeda Oo Sifo Sharci Daro Ah Ugu Wareegay Wasaarada Maaliyada Iyo Wasiirka Duulista Oo Ka Qeyb ka AH

Berbera(mandheeranews)- Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan ayaa Talaabsaday talaabo Guracan oo Sharciga aan Wafaqsaneyn oo iskaga Horkeenayo Maamulka Dekadda Berbera iyo Wasaaradda Maaliayadda Somaliland
Ka Dib markii uu maalintii shalay Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan uu Soo Saarey Warqad uu Ku Magacaabayo Madaxa Barxad ee Waaxda Maaliyada u Qaabilsan Dekadda,Cilmi C/raxmaan Cashuur oo ahaa Masuul ka tirsan Wakaalada Dekadda Berbera oo muddo todobaad ka hora uu Mareeyaha Dekaddu Isku Shandheyn uu ku Sameyey Shaqaalihiisa ay Sameyn ku Keentay Kadib Markii laga Bedaley Waaxda Socodka Badeecada Dekadda qaybteed Rarka ama ilaalinta Cashuuraha slamarkaana loo Bedaley Waaxda Shaqaalaha Dekadda
Masuulka Saaka Maamulaha Kastamka Berbera uu u Magacaabey Xilkan Cilmi C/raxmaan Cashuur Ayaan Hore uga Tirsaneyn Shaqalaha Wasaarada Maaliyada islamarkaana Waa Arrin ka Hor imaneysa Sharciga Shaqaalaha Dowlada ,iyadoo aaney Jirin Baahi loo Qabo Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur
Sidoo Kale Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan Waxa kale oo Xilkii uu Hayey Ka Qaadey Chief Barxada Ee Waaxda Customs Cali Madhafaan oo Mudo 25Sano ah ka Soo Shaqeynayey Wasaarada Maaliyada
Talaabadan Maanta uu Qaadey Maamulaha Customs Berbera ayaa noqoneysa Talaabo ku Guracan Xeerka Hayada Shaqaalaha Dowlada ee Wasaaradaha iyo Hayadaha Madaxa Banaan Madaamo ay Jiraan Shaqaale aad u Tiro badan oo Aqoon iyo Waayo aragnimo u leh Shaqadan ,oo Buuxdhafiyey Xayndaabka Wasaarada Maaliyada ,Waxaaney Talaabadani noqotey Mid Iska Horkeen ku Keentay Wasaarada Maaliyada iyo Dekadda Berbera oo uu Doonayo Maamuluhu in uu Kursiga ku sii Xejisto Isagoo ka Faidaysanaya Isku shaandhaynta uu Mareyaha Dekadu ku Sameyey Shaqaalihiisa , Masuul Dhexmarey Labada hayadood ayaa Mudo 11 Sano ah ka shaqaynayey Waaxda Socodka Badecada Dekadda Berbera , Waxaaney Isku Milmeen Waaxda Kastamka oo ay Dekadda Berbera ay ku ilaalin Jirtay Ilaalinta Dakhliga
Waana Khalad sharci oo lagaley in Qof aan ka tirsanan shaqalaha Wasaaradda maaliyadda aan meel loo dhiibi Karin ilaa marka hore uu qof ka mid noqdo wasaaradda maaliyadda shaqaalaha dawalada ka tirsan
Hadaba talaabadan uu qaadaya maamulaha kastamka Berbera ayaa noqonaysa mid khilaaf cusub ka dhex ka dhex hurin doonta Hayadahan Islamarkaana Waxyeeli karta wadda shaqaynta labada dhinaca
Dhinaca Kale Xogaha ay Helayso Shabakada Berberatoday ayaa Tibaaxaya in Amarka lagu Siyey Maamulaha Kastamka Berbera Qorista Warqada Ninkan Shaqaalaha Dekada Katirsan Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah Masuul ay Biyo Dhigta Qabyaaladu oo aan Ka gaban Inuu Shaqaaleeyo Shaqalaha Kasoo Jeeda Reerkiisa oo arintaas ka shaqeeyay siweyna uga hawlgalay.
Sidoo Kale Xogohu Waxay intaa Ku Dareen In Masuulkii Hore u Joogi Jirey Barxada Kastamka Berbera ee La Bedaley Cali Madhafaan uu Isna Adeegsadey Wasiiru Dawlaha Maaliyada Cismaan Cadaani Saxardiid oo ay isku Beel kaso jedaan Waxaana La sheegay in Wasiir Cadaani uu Galka Seefta kale Baxo islamarkaana Muran Xoogani uu Dhexmaray Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aden oo ku eedeyey inay Fulisay Arinkan , Waxaanay Xoguhu intaa Kudareen in Wasiir Cadaani uu Ku Tiraabay Samsamey Waan is Casilayaa Aniga Reerkayaga Kasaa Ka Shaqeeya ,
Arrintan ayaa ugub ku Ah Qaabka ay Wasaarada Maaliyadu U shaqeyso in Qof aan Shaqaale aheyn Amar Telifoon ah Loogu Magacaabo Xil , Waana Talaabo Cawaaqib Xumo Ku Keeni Karta Hanaanka Qaranka Somaliland iyo Xeerka Hayada Shaqaalaha Somaliland , in Wasiiradu Qof ay Wataan Moyee Qof kale Shaqo Helin ama Xil loo Dhiibin
Sidoo Kalena Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa wakhti ay Maamulka Wasaarddaasi maaliyadda ay Mudo kusiman Bil hayso Wasiirka Samsam Cabdi Aadan taas oo carqalada ku noqon doonta shaqadda wasiirka maaliyadda iyo Dekadda Berbera madaama ay tahay Dekadda Berbera halka Dakhliga dalka uga badani ka soo xarood
Isku Soo Wado duboo Masuulkan cusub ee loo magacaabay xilkan ayaa ka tirsan shaqaalaha Dekadda Berbera oo aanu ilaa hadan meel uu shaqadda Dekadda uu Kaga Tagey aaney Jirin , Waxaanu Haddda Ka hawlgalaa Wasaarada Maaliyada Shaqaaleheeda Berbera

 

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News