Saxilnews.com
Iska Hor Imaad Khasaare Sababay Oo Ka Dhacay Deegaanka Botor Ee Gobolka Gabiley+Cidda Uu Dhex Maray Iyo Sababta Kaliftay Iska Hor Imaadka
June 15, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi
 

Hargeysa(Saxilnews)Wararka naga soo  gaadhaya magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley soona gaadhaya Saxilnews.com ayaa waxay sheegayaan in iska hor imaad khasaare sababay uu ku dhex maray deegaanka Botor oo ay ku yeelaan Ceelasha Biyaha una dhaxaysa magaalooyinka Kala-baydh iyo Gabiley ciidamada Booliska gobolka Gabiley iyo dadka shacabka ah ee deegaankaasi ku dhaqan.

Iska hor imaadkan oo sababay khasaare ayaa naloo sheegay inuu ka dhashay kadib markii ay ciidamo Boolis ah oo ka yimid dhinaca magaalada Gabiley  ay soo gaadheen deegaanka Botor oo ay ku yaalaan Ceelasha Biyaha isla markaana ay dadkii ku xeernaa Ceelasha ay amar ku siiyeen inay joojiyaan isticmaalka Biyaha Ceelasha iyaga dadkaasi oo ah dad Beeralay ahina ay ku guda jireen Waraabinta dalagyada ay beertaan oo ay ka waraabiyeen ceelashan,waxaana ay ciidamadani dadkaasi ku amreen inaanay Biyahan ceelasha u isticmaalin waraabinta Beerahooda iyo dalagyada ay beertaan iyaga oo sida ay noo sheegeen dad goob joogayaal ahi aanay ciidamadu dadkaasi u sheegin sababta balse ay ku gaabsadeen uun inuu yahay amar kaga yimi maamulka Gabiley iyo ka degmada Gabiley.

Ciidamadan ayaa waxa hogaaminayey sida naloo sheegay Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Saldhiga Gabiley Abshir Haaruun,waxaana ay shacabka deegaankaasi iyo dadka Beeralayda ahi ay ciidamadii goobta yimi kala hor yimaadeen diidmo ay sheegeen inaanay suurtogal ahayn in aanay isticmaalin Biyaha Ceelasha,waxaana ay ciidamadan u sheegeen Shacabku in xukuumaddu ay si u sheegtay in ay abaal marin u siisay Ceelashan ayna isticmaali karaan.

Intaasi kadib ayaa waxa khilaaf dhex maray ciidamadan iyo Shacabkii deegaanka kaas oo isku  badalay sida naloo sheegay gacan ka hadal,waxaana ay shacabkii deegaanku khasaare dhaawacyo ah gaadhsiiyeen ciidamadii goobta gaadhay ee amarka fulinta ah qabay,iyaga oo dhaawacyo culus oo dhanka Madaxa ahna gaadhsiiyey sida naloo sheegay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska saldhiga gabiley,intaasi kadib ayaa waxa deegaanka lasoo galiyey shacabkana loo adeegsaday awood ciidan,iyaga oo ay deegaankana soo gaadheen ciidamo RRU ah,waxaana halkaasi ka dhashay iska hor imaad dhex maray ciidamada iyo shacabka deegaanak Botor ee gobolka Gabiley.

Ciidamadan RRU-da ah ayaa naloo sheegay inay sooq ab-qabteen isla markaana ay xidh-xidheen dadkii deegaanka,iyaga oo dadka la xidh-xidhayna ay tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 30 qof,kuwaas oo loo gudbiyey saldhigyada Kalabaydh iyo Gabiley.

Xaaladda deegaanka Botor oo u dhaxaysa Gabiley iyo Kalabaydh ayaa xaaladeedu kacsan tahay,waxaana deegaanka hadda ku sugan ciidan tiro badan oo sugaya amaanka deegaanka.

 

 

COMMENTS
Latest News