Saxilnews.com
In Ka Badan 30 Ruux Oo Ku Dhintay Qarax Gil-gilay Magaalada YOLA,Nigeria
November 18, 2015 - Written by admin

Nigeria (SAXILNEWS)_In ka badan 30 ruux ayaa ku dhimtay qarax weyn oo ka dhacay dalka Nigeria, gaar ahaan magaalada  Yola laga, sidoo kalena tobannaan kalena way ku dhaawacmeen. qaraxan ayaa dhawaaqiisu aad uu u xoog badnaa dhawaqiisana, taasi oo laga maqlaayey magaalada oo dhan. qaraxan ayaa ka dhacay meel u dhow suuqa qudaarta xilli ganacsatada ay xidhayeen dukaamadooda. Madaxweynaha dalka Nigeria, Maxamadu Buhari, sabtidii ayuu booqday magaalada Yola, halkaas oo uu kaga dhawaaqay in Boko Xaraam ay ku dhowdahay in laga adkaado. Magaalada Yola sanadkan waxaa ka dhacay laba qarax oo dad badan ay ku dhinteen. Mas’uuliyiinta dawladda ayaa ka cabsi qaba in tiradu intaa ka badan tahay,

 

 

 

MAXAMED ILKACASE

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News