Saxilnews.com
(IN GACAN KU DHIIGLAYAASHU BATAAN WAXAAA U SABAB AH………………….)
April 7, 2015 - Written by admin

Sida aynu lasocono waxaa sii badanaya gacan ku dhiiglayaasha oo arinkoodu yahay qofkaa nafta ka goo kana naso baryo magaalooyinka oo nasasho dheer gal.

Xukuumada talada haysa ee uu madaxda ka yahay madaxwayne axmed maxamed maxamuud silaanyo intii ay talada dalka la wareegtay waxaa sii fududaaday dilka loo gaysanayo birma gaydada oo aynu oran karno waxaa u sabab ah gacan ku dhiiglayaal farabadan oo jeelka jiifa, kuwasoo markii lagu fulin waayay xukunkii lagu riday ay noqotay in shaqsi walba oo ay is qabtaan midka kale uu kaga dhabeeyo kuna tiraabo war maxaad sheegi walahi hadaan ka dhamaynayaa kadibna jeelka ayaan ku jabanaynayaa,

Xukuumada talada haysa oo aynu ognahay in waqtigeedii sii dhamanaya loona baahan yahay is bedel ayaa waxaa hada soo kacay kacdoon shacab oo leh war dadkii dadka yaga dilay hanaloo dilo, oo ah hadii lagu fulin waayo dilka sharciga ah ee lagu xukumay dhibaatada ka dhacdaa ay noqon karto in dalka ay samayn ku yeelato.

waxaa jiray dilal badan oo si xun u dhacay lakin hadaynu soo qaadano dilalka aadka u xun ee qaranka dhan saamaynta ku yeeshay  waxaa kamid ah falkii qorilugud oo gacan ku dhiglihii aan la qaban arinkaasna meel uu ku danbeeyayna aan ilaa hada lagaranayn,  waxaa kamid ah falkii ka dhacay hargeisa ee loo gaystay ciidanka qaranka oo lagu weeraray xeradoodii ragii falkaa gaystayna aanan lagu fulin xukunkii saxda ahaa, waxaa kaloo kamid ahaa falkii foosha xumaa ee inan iyadoo nool guri dhexdiisa lagu aaso walina dadkii falkaa gaystay aan waajibkoodii la marin, waxaa kaloo kamid ahaa taliyihii lagu dilay galbeed hargeisa  ee uu dilay askari ka tirsan cidankisii oo si barer ah u dilay aanan lagu fulin wajibkiii uu lahaa, waxaa kaloo kamid ah ganacsadihii caanka ahaa oo isana la dilay madaxwaynahana  sheegay in waqtiga xukunka la rido lagu fulin doono, waxaa kaloo kamid ahaa nin cidanka qaranka kamid ah oo sida badheedhka ugu gaystay laba askari  ee ka tirsan ciidanka qaranka ee aynu ku seexano midna la dhaawacay midka kalena uu dhintay ninkii falkaa gaystayna gacanta lagu hayo shacab badana ay is waydinayaan ma noqon donaa mid u horseeda dadkii dilka gaystay in la mariyo xukumadii ku dhacay mise kuwii hore raadkoodii ayaa lamiranayaa jawaabtaasna waxaynu ka sugaynaa xukuumada waqtiyada soo socda.

Anigoo ah madaxwayna mustaqbalka waxaan usoo jeedinayaa madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland ictiraafku waqtigiisa ayuu imanayaa  ee dadkan gaystay dilka hala mariyo waajibkii ay lahayeen, hadii dil gaystaha lagu fuliyo falkii  lagu xukumay wadanku wuu doogaysan waana la barwaaqoobayaa.

 

 

 

COMMENTS
Latest News