Saxilnews.com
sarkaal-hore-uga-tirsanaan-jirey-hayadda-sirdoonka-maraykanka-ee-cia-da-oo-la-xidhay/
January 18, 2018 - Written by editor

Washington:-(saxilnews.com) Nin horey uga tirsanaan jirey hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii sida la sheegay lagu heley in uu si gaar ah u kaydsaday xog muhiim ah oo ay sharci daro tahay in uu haysto.

Ninkan oo lagu magacaabo Jerry Chun Shing Lee oo qaatay dhalashada Maraykanka ayaa CIA u shaqaynayay intii u dhaxaysay 1994-tii illaa 2007-dii.

Waxaa la sheegay in wixii markaas ka dambeeyay uu u wareegay magaalada Hong Kong, balse markii uu Maraykanka kusoo laabtay 2012-kii, xiligaas oo FBI-da ay hoteelkii uu degenaa ka heshey buugaag ay ku qoranyihiin macluumaad la xiriira magacyo iyo taleefoonada dad CIA-da ka tirsan oo si qarsoodi ah u shaqaynayay.

Wasaaradda caddaaladda Maraykanka ayaa sheegtay in haddii ninkan lagu helo dambiga ah in uu kaydsaday xog sir ah si sharci darro ah uu wajihi karo 10 sano oo xarig ah.

Mr Lee ayaa horey u saxiixay cahdiga ah in uusan faafin doonin sirta Maraykanka, isaga oo heystay ruqsadda amniga Maraykanka

COMMENTS
Latest News