Saxilnews.com
Hordhac: Mali Vs Masar – Xulka Ugu Guulaha Badan Tartanka Oo Caawa Ciyaaraya Kulankiisii Ugu Horeeyay AFCON 2017
January 17, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Mali iyo Egypt ayaa ciyaaraya caawa kulankoodii ugu horeeyay tartanka ka soconaya Gabon waana tartankii 31-aad oo ay qabtaan xiriirka qaaradda Africa ee CAF, labadaan xul waxey isku wajahi doonaan garoonka caalamiga ah ee Stade de Port Gentil.

Mali waxey ku dhameysatay kaalinta ugu sareysa group-keeda waqtigii isreeb-reebka tartankaan waxeyna kusoo baxday si guuldaro la’aan ah 5-guul iyo 1-barbaro, sidoo kalana tartankii horre ee 2015 uma suuragalin iney kasoo baxdo groupka madama ay 3-barbaro gashay.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Mali vs Egypt

Tartanka: African Cup of Nation 2017 – Group D

Saacadda: 10:00 Habeenimo (XGA)

Garoonka: Stade de Port Gentil.

Markii ugu fiicneed sanadahii ugu dambeeyay waxey aheyd 2013 markaas oo ay tigsadeen Semi Finalka tartanka, dhanka kale Egypt waa xulka ugu badan ee tartankaan ku guuleystay balse kama soo qeyb galin tartankaan tan iyo 2010 markaas oo ay ku guuleysteen.

Sidoo kale isreeb-reebka koobka Aduunka ayey ka sameeyeen wax wanaagsan madama ay laba guulood gaareen, waxey rajeynayaan iney sidii 2010 ku guuleystaan tartankan.

XAQIIQADA KULANKA:

Egypt iyo Mali waxey is wajaheen laba jeer oo kaliya waana kulamo saaxiibtinimo, labada kulanna waxaa badiyay xulka qaranka Masaarida.

SHAXDA MACQUULKA AH:

MALI:

Diakite – Ousmane Coulibaly, Wague, N’Diaye, Salif Coulibaly – Yatabare, Adama Traore, Sylla, Sow – Sako, Marega.

EGYPT:

El Hadary – Hegazy, Gaber, Shafy, Dowidar – El Nenny, Said, El Mohamady, Ibrahim Salah – Hassan, Mohamed Salah.

COMMENTS
Latest News