Saxilnews.com
Hooyo ka walwalsan nin carruurteeda laayay oo xabsiga lagasii daayay
June 11, 2019 - Written by editor
Ms Urry
Image captionMs Urry

Haweenay saddex carruur ah ee ay dhashay oo uu dilay nin ayaa lagu wargeliyey in xabsiga lagasii daayey ninkaas carruuteeda laayay.

David McGreavy waxa uu carruurta Elsie Urry ku dilay gurigooda oo ku yaalla Worcester sannadkiii 1973-kii.

Ms Urry waxa ay sheegtay in maalintii Arbacada aheyd lagu wargeliyey in xabsiga lagasii daayey ninkan.

“Waxa ay ii sheegeen inay xukun dil ah ay ku ridi doonaan balse taasi waa ay baddelen, waxaa ay ku rideen xabsi 60 sanno ah, balse ma uusan dhamaysanin.” ayey tiri Ms Urry

David McGreavyLahaanshaha sawirkaMERCURY PRESS
Image captionDavid McGreavy

McGreavy, markii uu dambigan gaysanayay waxa uu ahaa 21 sanno jir heysta qoys.

Cunuga ilmaha ugu weyn ayuu ciijiyay halka gabadha uu lugta ka jaray.

Suurtagalnimada ah in xabsiga lagasii daayo McGreavy ayaa waxa laga hadlayay muddo ku dhaw 10 sanno ah.

Balse bishii December waxaa la shaaciyey warar sheegayo inuu isbaddel weyn ku yimid David oo muddo 45 sano xabsiga ku jiray.

Ms Urry ayaa sameeysay isku dayo ay ku doonaysay in xabsi daa’iin laga rido ninkan balse aysan u suuragelin.

“Maskaxdayda ma dageyso mana ahaan caadaalad in la soo daayo kaddib marka baaritaan lagu sameeyo falkauu geystay.” ayey tiri.

“Waxaa jira maxaabiis kale oo aanan sameyn dambigiisa uu galay mid lamid ah balse aysan helin naxariista uu isaga helay.”

Elsie RalphLahaanshaha sawirkaRALPH FAMILY
Image captionElsie Ralph

Xildhibaan laga soo doortay Worcester oo lagu magacaabo Robin Walker oo qoray faallooyin badan oo ku saabsan McGreavy ayaa yiri,”run ahaantii, ilama ahan inay haboontahay in xabsiga lagasii daayo qof galay dambi intaas la eg.”

COMMENTS
Latest News