Saxilnews.com
Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Laba Sarkaal Oo ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Saaka Safar Kaga Baxay Hargeysa Iyo Halka Ay U Safreen
June 15, 2017 - Written by suxufi
Hargeysa(Saxilnews)Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo labada sarkaal oo ka tirsan xisbiga WADDANI oo kala ah xoghayaha xidhiidhka wadamada Carabta xisbiga WADDANI Amb Safiina iyo Aqoonyahan Cabdiqaadir Iidle ayaa saaka safar kaga baxay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Hogaamiye Xirsi iyo Labadan masuul ayaa waxay u safrene dalka Issutagga Imaaraadka Carabta gaar ahaana magaalada Dubai iyaga oo saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Ujeedada rasmiga ah ee Hogaamiye Xirsi iyo labadan masuul ay ugu tageen dalka Imaaraadka Carabta Ayaan la garanayn balse ilo wareedyo  dhuun daloola xisbiga ayaa noo sheegay in socdaalkoodu uu la taxaluqo hawlaha shaqo ee xisbigooda,iyaga oo halkaasina muddo kooban jooogi doona.

Gabagabadiina dhawaan ayey ahayd kadib markii murrashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo hogaamiyaha xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ay dalka dib ugu soo labteen kadib safar maalmo badan qaatay oo ay ku joogeen dalka Imaaraadka Carabta.

11 

 

 

 

COMMENTS
Latest News