Saxilnews.com
HIRDANKII SAYLICI GUDOOMIYAHA KULMIYE OO SOO ROGAAL CELIYEY IYO MUJ MUUSE OO XALAY LAGA HOR ISTAAGEY…
September 14, 2016 - Written by admin

Hargeysa (Saxilnews.com):- Waxaa dib u soo rogaal celiyey hirdankii weerarka iyo weerar celinta ahaa ee madaxtooyada Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi Hirdankan hada dib u istaadhmey ayaa waxaa uu wakhtiyo hore sidan oo kale uga soo dhex curtey madaxtooyada iyo Muj Muuse Biixi taas oo sabab u aheyd in bishii 10 ee sanadkii hore mar qudhaata xukuumada Siilanyo iska casilaan wasiiradii ugu badnaa kuwaas oo ka biyo diidana shirka xisbiga Kulmiye oo ay sheegen in uu u afduuban yahay gudoomiye Muuse Biixi . Siyaasiyiinta ka ag dhow madaxtooyada iyo xisbiga Kulmiye ayaa waxaa ay mudooyinkii ugu danbeeyey sheegayeen in aanay isku san banaaneen isla markaana uu khilaaf huursani ka dhex jiro gudoomiye Biixi iyo Wasiirka madaxtooyda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi kaas oo aan ila hada la garaneen meesha loo maleynaayo in uu khilaafkoodu ka istaadhmey Habeenkii Xalay ayey aheyd markii madaxtooyada Somaliland lagu qabtey xaflad uu gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ka soo qeyb galay isla markaana madaxweyne siilanyo kula kulmaayey gudida ictiraaf raadinta Somaliland waxaana madaashi ka hadley masuulyiin u badan gudida ictiraaf raadinta Somaliland Warar lagu kalsoon yahay oo shabakada Ilaysnews.com ka helayso madaxtooyada ayaa waxaa ay sheegayan in masuulyiintaasi loogu talo galay in ay madasha ka hadlaan uu ku jiray gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Balse uu ka hor istaagey wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi waana sababta hada cadeynta u noqotey in uu khilaaf hursani ka dhex jiro labadan siyaasi balse waxaa ilaa hada aan la saadalin karin halka uu khilaafkani gaadhi karo

Contact@Ilaysnews.com

COMMENTS
Latest News