Saxilnews.com
HIRDANKII MADAXWEYNE KU XIGEENKA WADDANI OO ISTAADHMEY IYO MUSHARAX CUSUB OO MAANTA KA SANQADHIYEY IN UU DIYAAR U YAHAY QABASHADA JAGADAASI + (SAWIRO).
September 15, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):- Waxaa muddo ka yar hal  bil ay ka hadhsan tahay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani kaas oo lagu soo dooran doono musharaxa madaxweyne iyo ku  xigeenkiisa xisbigaasi uga qeyb gali doona doorashada la filaayo in dalka ka qabsoonto sanadka 2017.

1
2
3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Qabsoomida  shirkaasi ayaa waxaa uu sabab u noqdey in  hirdan adagi  ka dhex istaadhmey xisbiga Waddani gaar ahaan musharaxa madaxweyne ku xigeenka oo siyaasiinta ka soo jeeda gobalka Awdal tartan gucleen ah ugu jiraan sidii ay jagadaasi gacanta ugu dhigi lahayeen .

4

5

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hadaba iyada oo ay taasi jirto waxaa maanta magaalada Hargeysa  munaasibad balaadhan oo ka dhacdey hotel Summer Time  waxaa hankiisa musharaxnimo ku shaaciyey siyaasi ka soo jeeda gobalka Awdal isla markaana hore xisbiga  uga tirsanaa oo lagu magacaabo Eng Cabdiraxmaan Daahir Aadan

6

7
8

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Munaasibadan uu siyaasigani ku shaacinaayey  hankiisa musharaxnimo ayaa waxaa ka soo qeyb galay badiba labeenta xisbiga Waddani , xildhibaano ay ka mid yahiin  Xil.Rayte , Xil. Buubaa, Xil. Tukaale  , Xil.Wali Axmed Xaawo , masuulyiin  kale , dhalinyaro iyo haween .

910

Ugu Horeyn waxaa madasha ka hadley xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa waxaana uu sheegay  in Eng Cabdiraxmaan uu yahay shaqasi u qalma jagadaasi  isla markaana u yahay nin tacab badan soo galiyey xisbiga Waddani ilahay na SWT   guul uga rajeynaayo .

11
12

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxaa madasha iyaguna  ka hadle masuulyiin ay ka mid yahiin Xildhibaan Rayte , Xildhibaan Bashiir Tukaale , Xildhibaan Wali Axmed Xaawo, Siyaasi  Cali Cantar , Marwo Caasha Xussen Mareykan , Marwo Sado Dheer ,Cuqaal ,Saladiin  iyo masuulyiin kale waxaana ay dhamaantood sheegen in Eng Cabdiraxaan uu yahay shaqsiga ugu haboon qabashada iyo hanashada kursigan isla markaana ay guul uga rajeynayaan tartanka uu la gali doono siyaasiyiinta dhigiisa ah , xisbiga Waddani na  yahay xisbi si dimuqraadi ah loog tartami doono cid aanu u xidhneen

13
14

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gabo gabadii waxa madasha hadlo kooban oo ka yidhi Eng Cabdiraxmaan oo ah siyaasigsan hankiisa shaaciyey waxaana uu ugu horeyn u mahad naqay dadkan ka soo qeyb galay xaflada uu ku shaacinaayo hankiisa .

15
16

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Musharaxan Cusub waxaa uu sheegay in maanta uu halkan ka cadeynaayo in uu tartan ugu jiro qabashada kursiga madaxweyne ku xigeenka Wadani

25

“Aniga oo  ah  Eng  Cabdiraxmaan Daahir Aadan Waxaan halkan ka cadeynayaa aniga oo hore u ahaa gudoomiyaha xisbiga Waddani ee Gobalka Minnesota ee dalka Mareykan in aan musharax u ahey jagada musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani.

Anigu gobalka Awdal oo aan ka soo jeedo uma ahi musharax ee  Somaliand oo dhan  baan musharax u ahey gaar ahaan dhalinyarada qarakan oo aan ka mid ahey ” ayuu yidhi Mushaax Eng Cabdiraxmaan Daahir Aadan
1718192021222324
26272829303132333435

 

COMMENTS
Latest News