Saxilnews.com
Hindiya oo sharci darro ku tilmaantay in dumarka seddax jeer la dalaaqo
August 14, 2017 - Written by admin

Hindiya (Saxilnews.com)-Maxkamad ku taalla waqooyiga Hindiya ayaa xukuntay in qaanuunka dalkaas aysan waafaqsanayn, dhaqanka Muslimiinta ee ah in ay ragu xaasaskooda dhalaaqi karaan saddex jeer.

Maxkamadda sare ee Allahabad waxay sheegtay in arrintaasi ay meel ka dhac ku tahay haweenka Muslimiinta.

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Hindiya ayaa dhageysaneysa dacwad kale oo gaar ah oo lagu diidan yahay dhalaaqada seddaxda jeer ah.

Muslimiinta ayaa sheegaya in doodan ku saabsan talaaqada si aan xaq ahayn loogu bartilmaameedsanayo Muslimiinta Hindiya.

13% dadeynaha dalka Hidniya ayaa Muslimiin ah. Waxaa dalkaasi ku nool 1.3 bilyan oo qof.

COMMENTS
Latest News