Saxilnews.com
Hayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Ayaa Shaqaalaha Dawlada Ku Wargalisay In Ay Bari Fasax Yihiin
April 2, 2019 - Written by shiine caynaba

Hargaysa(Saxil.news.com) Hayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland ayaa Shaacisay In Ay Maalinta Bari Ah Shaqaalaha Dawladu Fasax Yihiin
03/04/2019 maalintii Oo Ku Beegan maalintii Nabi Maxamed scw la dheelmoyey

Sida Lagu sheegay war qoraal ah oo la soo Dhigay barta facebook Ee Hayada Shaqaalaha Waxana Uu U dhigaaa sidan
Wargelin/xasuusin Fasax: Maalintii la Dheelmiyey Nabigeenii Maxamed NNKH

Iyada oo la tixraacayo Fasax Sanadeedkii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu horay u soo gudbisay berito oo Arbaca ah taariikhduna tahay 03/04/2019 waxa ay noqon doontaa maalin fasax iyada oo ku beegan markii la dheelmiyey Nabigeenii Maxamed NNKH

Fasaxan oo ah 1-maalin ayaa Shaqada lagu soo laaban doonnaa Maalinta Khamiista ee bishu tahay 04/04/2019 hadii Alle Idmo.

COMMENTS
Latest News