Saxilnews.com
HAWEENEY SOMALIYAD AH OO MEYDKEEDA LAGA HELAY GURIGEEDA MAGAALADA SAN DIEGO EE DALKA MAREYKANKA
March 5, 2019 - Written by editor

San Diego(saxilnews.com)-Muna Kuri oo aheyd 36 jir Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in meydkeeda laga helay gurigeeda oo ku yaala magaalada San Diego ee dalka Mareykanka sida laga soo xigtay ciidamada booliiska gobolkaasi.

Waxaa la sheegay in haweeneydan la la’aa tan iyo sabtidii, waxaana gurigeeda markii ay tageen xubno ehelkeeda ka mid ah ku arkeen iyada oo meyd ah oo qolkeeda dhax taala.

Ciidamada dambi baadhista magaalada San Diego ayaa bilaabay baadhitaano ku aadan dilka haweeneydan Somaaliyada ah iyo cidii ka dambeysay, mana jiro ilaa hada cid loo soo xidhay dilka Gabadhan.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ee ka danbeeya dhismashada haweeneyda, waxaana arintan aad uga naxay markii ay maqleen Jaaliyada Soomaalida ee ku nool magaalada San Diego iyo dadkii yaqaanay marxuumada.

 

COMMENTS
Latest News