Saxilnews.com
HAWEENAY DA’ AH OO SHAKI LAGA QABO IN AY WAX KA TAQAANA SIXIRKA QOORTA LOOGA JARAY
October 25, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Haweeney waayeel ah ayaa qoorta laga jaray ka dibna jidhkeedii lagu gubay xaafada Samogara ee deegaanka Kisii dalka kenya.

cbc0012e79689185d53b
Haweyneydaan oo 66-sano jir ah, ayaa keligeed ku nooleed aqal dhoobo ah, iyada la kulantay dhimashadeeda xili ay gurigeeda ku dhex sugneed .
Dadka deegaanka ayaa sheegay in loo dilay, sababtoo ah waxaa lagu tuhunsana inay sameyso quraafadka iyo sixirka.
“Waxaan ka shakinay in ay ahayd saaxirad ,” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka degaanka, oo aan rabin in la magacaabo.
Odayga xaafada Matongo Samuel Ombui ayaa beeniyay eedeymaha, isagoo leh, waxay ahaayeen xanta tuulada kaliya.
Mr Ombui ayaa sheegay in aan la garanayn kuwa dilka gaystay balse saraakiisha booliiska ee goobta dambiga tagay ayaa bilaabay baaritaano ayuu yidhi.

COMMENTS
Latest News