Saxilnews.com
Hawada wasaqeysan oo la sheegay iney Garaadka qofka waxyeelleyso
December 28, 2018 - Written by editor
Qoys la daalaa dhacay cimilada wasaqeysan ee DelhiLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionQoys la daalaa dhacay cimilada wasaqeysan ee Delhi

Daraasad cusub oo la sameeyey ayaa waxaa lagu ogaaday hawada wasaqeysan iney si gaar ah ay dhibaato aad u weyn u geysato dadka da’da ah.

Cilmi baadhayasha daraasaddan cusub sameeyey ayaa waxay aaminsan yihiin iney hawada wasaqeysan dhibaato xooggan ay u geysaneyso dadka da’da ah iyo ragga waxbarashadooda ay hooseeyso.

Khubarada Shiinaha iyo Mareykanka ka socotay oo muddo afar sana ah daraasaddan waday ayaa waxay sheegeen 20,000 oo qof oo u dhashay dalkai shiinaha oo xirfado kala duduwan leh ay daraasad ku sameeyeen.

Waxay cilmibaadhayashu intaa ku dareen natiijada daraasadda ka soo baxday iney tahay mid tusaale u noqon karta 80% dadka magaalooyinka waaweyn ee caalamka ku nool oo jiido hawo aan caafimaadkeeda la hubin.

Askari gawaarida kala hagaya oo xidhan maaskarada neefsigaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionAskari gawaarida kala hagaya oo xidhan maaskarada neefsiga

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO hawada wasakheysan waxay u aqoonsatay dilaa aan la arki karin, iyada oo hawada wasakheysan ay sabab u noqoto iney sanad walba 7 million oo qof oo caalamka ku kala nool iney naftooda ku waayaan.

Natiijada daraasadda oo uu Isniinta daabacday machadka saayniska qaranka ayaa waxay ku sheegeen, “iney heleen caddeeymo muujinayo saameynta ay hawada wasaqeysan u geysato neefsiga iyo afkaba, gaar ahaanna dadka da’da ah iyo raggaa ay waxbarashadoodu hooseyso”

Shacabka Beijin oo ka cabanaya ceeryaama ku habsatay 2017-kii

Daraasadda waxaa kale oo lagu sheegay, hawada wasakheysan iney sii kordhiso khatarta cudurrada sida Alzheimer’s iyo kuwo kale oo halis ku noqon kara caafimaadka qofka ay haleelaan.

Xi Chen oo ka tirsan kulliyad caafimaad ee Shiinaha ku taallo qaybna ka ahayd daraasaddan oo ka mid ahaa khubarada daabacay natiijada daraasadda ayaa wuxuu wargeyska the Guardian u sheegay, hawada aadka u wasaqeysan “waxay saameyn u geeysaneysaa iney sanad gudahii ay hoos u dhigdto ama ay wiiqdo awoodda uu qofku u lahaan lahaa inuu waxbarashada sii… taasoo ah mid aad halis u ah”

Shiinaha oo ka mid ah waddamada soo korayo wuxuuu halis badan ugu jiraa hawada wasaqeysanLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY
Image captionShiinaha oo ka mid ah waddamada soo korayo wuxuuu halis badan ugu jiraa hawada wasaqeysan

Daraasado horay loo sameeyey ayaa waxaa lagu ogaaday hawada wasaqeysan iney garaadka ardayda dhibaato u geysato.

Daraasaddaa waxaa si gaar ah loogu sameeyey dad labada jinsiba isugu jiro da’dooduna ay tahay 10 jir iyo wixi ka sarreeya iyada oo ay daraasaddu socotay inta u dhaxeysay 2010-2014-kii, iyada oo qof kasta oo daraasadda lagu sameeynayey la weydiinayey 24 su’aalood oo xul oo ku saabsan xisaabta iyo 34 su’aalood oo aqoon guud ah oo garaadka qofka lagu cabbirayo.

Hawada wasaqeysan iyo dhibaatada caalamka ay ku hayso

  • Sanad kasta dad gaaraya 7 milyan oo ayaa u dhinta sababa la xidhiidha hawada wasakheysan
  • Sanadkii 2016-kii oo keli ah hawada wasakheysan waxaa heer caalami u dhintay 4.2 million
  • Hay’adda caafimaadka aduunka ayaa waxay xaqiijisay 91% dadka dunida ku nool iney ku nool yihiin deegaanno ay hawadooda wasaqeysan tahay
  • 14 magaalo oo dalkaasi India ku yaalla ayaa waxay yihiin 20-ka magaalo ee caalamka oo ay hawadoodu aadka u wasaqeysan tahay
  • 10-ki qof ee dunida ku nool 9 ka mid ah waxay qaataan hawo wasaqeysan

Xigasho: Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO

Sababaha ay cilmi baadhayaasha daraasaddooda ugu sheegeen dadka da’da ah waxbarashadooduna ay hooseyso iney khatar aad u weyn ugu jiraan hawada wasaqeysan ayaa waxay tahay, maadaamaa ay dadkaasi badankood qabtaan shaqooyinka dibadda ah muruq maalkana u badan.

Ceryaamada Delhi ku habsatay

Ugu dambeyn daraasadda natiijada laga gaaray waxaa lagu soo gabagabeeyey “saameynta cimilada wasaqeysan ay ku leedahay garaadka qofka, ay ku sii daran tahay dadka da’da ah tasoo sameyn aan yareenna oo toos ah u geysaneyso kharashaadka ay dowladuhu ku bixiyaan dammaanad qaadka bulshada.”

Khubaraduna waxay sheegeen daraasaddan inkasta oo lagu sameeyo dalka Shiinaha oo keli ah haddana natiijada daraasadda ka soo baxday ay tahay mid waxbadan u ifineyso waddamada dhaqaalahoodu soo korayo sida ay halis ugu yihiin hawada wasaqeysan ee ku sii badaneyso.

98% magaalooyinka ay ku nool yihiin dad ka badan 100,000 dakhligooduna uu hooseeyo ama uu dhexdhexaadka yahay, waxay ku guul darreysteen iney buuxiyaan shuruudaha ay WHO u dajisay hawada nadiifta ah ee looga baahan

COMMENTS
Latest News