Saxilnews.com
Hanti Dhawrihii Qaranka Somaliya Oo Xabsi Guri Lagu Xidhay + Sababta
May 5, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

Muqdisho(Saxilnews)warar goordhow kusoo dhacay Warqabadkeena magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay talaabo deg deg ah ka qaaday hanti-dhowrihii qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Ciidamo hubeysan ayaa lasoo sheegayaa iney gaareen halka uu madaxtooyada ka degan yahay Hanti-dhowraha waxaana lagu xakumay xabsi guri

Saraakiil ku sugan, madaxtooyada ayaa sheegaya in Dr Nuur lagu amray inuusan ka bixi karin guriga, isla markaana uusan saxaafada wax warbixin ah siin karin.

Ciidamada la xabsi guriga geliyay Dr Nuur oo la shegay iney ka socdeen madaxtooyada iyo hay’ada danbi baarista ayaa sidoo kale usheegay inuusan wax shaqo ah ka qaban doonin xafiiskiisii.

Ilaalada Hanti-dhowraha qaranka ayaa lagu haystaa dilkii ay ugeysteen wasiirkii howlalah guud Marxuum Cabaas, waxaana xilka qaadis ku sameeyay golaha wasiirada inkastoo uusan aqbalin xilka qaadistaas.

Baaritaan xoogan oo uu amray madaxweyne Farmaajo ayaa haatan soconaya, waxaana la filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan natiijadiisa saxaafada loo soo bandhigo.

 

COMMENTS
Latest News