Saxilnews.com
HAMBALYO IYO TALO KU SOCOTA WASIRKA W/XANANADA XOOLAHA EE CUSUB
December 14, 2017 - Written by editor

Ugu horayn waxaan Hambalyo iyo Duco udiirayaa wasiirka & ku xigeenkiisa cusub ee madaxwayne H.E Muuse Biixi Cabdi usoo magacaabay wasarada x.xoolaha Mud. Xasan Maxamed Cali (gaafadhi) iyo ku xigeenkiisa Yurub Abiib oo aan leeyahay illahay xilka culus haydiin fududeeyo.
Anigoo kamida dhakhatiirta w.x.xoolaha ee gobolka saaxil , waxaan jeclaystay inan saxafada uu mariyo wasirka & ku xigeenkiisa cusub talo kooban oo ku saabsan xalada dhabta ah ee gobolka saaxil, mudane wasiir goobalkani waa gobol balaadhan oo xeeb ah, waana goobolka ay ka dhoofan xoolaha ugu badan dhulka soomalidu deegto, sidaaso ay tahay goobolkani waxa uu ka kooban yahay 4 deegmo oo kala ah 1.Laascidle 2. Buloxaar 3. Mandheera 4.Shiikh.
Mudane wasiir taladaydan kooban waxay tahay :
1) Dhamaan Deegmooyinkaa kor ku xusan oo ay ku noolyihiin xoolo dhaqato badani nasiib U helin xaarumo caafimaad oo wasarada xanaanada xooluhu ka hirgaliso, xarumahaas oo dabooli lahaa baahiyo badan oo ay qabaan bulshada xolodhaqatada ah ee deegamadas, mudane wasiir abaal & ajar ayay kugu hayn doonan bulshada xoolo dhaqatada ah ee degmooyinkas oo ku hungoobay wasiiradii ka horeyay .

1) Tayaynta & dib u eegista shaqalaha wasaarada x.xoolaha ee heer gobol & heer Qaran oo mudadii xukumadii hore gaabis badani kajiray iyaado aan shaqaalaha loo egi jirin xirfada aqoontisa Isla markana laga horaysiin jiiray reerkiisa.

2) Mudane wasiir anigoo aaminsan in aad xogogaal uu tahay waxbadan, waxan kugula talin lahaa in aad isbedel muqda ka hirgaliso waxyaha kala duwan ee wasarada, isla markana usoo igmato dad aqoon iyo alle kacabsi usaaxiba, si waxqabad dhaba loogadhsiyo bulshada xoolo dhaqatada.

Qore: Dr, Ahmed Hassan Abdullahi
Phone: +252-63-4364144
Email : somaliland4ever.vet@gmail.com

COMMENTS
Latest News