Saxilnews.com
Hambalyo Danjirayaasha Cusub ee Somaliland ee Dalalka Kenya Iyo Djibouti
April 1, 2015 - Written by admin

Hambalyo Danjirayaasha Cusub ee Somaliland ee Dalalka Kenya Iyo Djibouti

Asalaamu Calaykum

Waxaan Hambalyo Kal iyo Laab ah u Dirayaa Labada Danjire ee Amb. Maxamed Warsame Cali Cigaal Oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Maanta u Magacaabay inuu noqdo Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyi doona Dalka Jabuuti, iyo Amb. Cali Xuseen Ismaaciil Jirde oo isna Madaxweynuhu u magacaabay inuu noqdo Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyi doona Dalka Kenya. Waxaan Allahuga baryayaa inuu Labadan Masuul u fududeeyo Hawsha Qaran ee loo igmaday. Waxaan sidoo kale Masuuliyiintii Hore ee Xilka laga Nasiyay Aan uga Mahad celinayaa Hawlihii ay u Qabteen Qarankooda mudada ay Xilka hayeen.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

COMMENTS
Latest News