Saxilnews.com
Halkan Ka Daawo Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mr Warancade oo Ku Gadoomay Jidka Dheer ee Isku Xidha Ceerigaabo iyo Burco, iyo Waran Cade oo Amaankiisa u Baqay
November 29, 2015 - Written by admin

Ceergaabo (SAXILNEWS.COM)_Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mr Warancade oo Ku Gadoomay Jidka Dheer ee Isku Xidha Ceerigaabo iyo Burco, iyo Waran Cade oo Amaankiisa u Baqay

Wefti Balaadhan oo  in Mudo ah Xaalad Nabadayn ah Ujoogay Magaalaa Ceerigaabo    kaas oo uu Horkacayay  Wasiir  Waran Cade , ayaa Soonoqod koodi Waxa  ay  Kuxanibmeen Jidka   Qarfada  ah  ee  Isku Xidha  Ceerigaabo  iyo Burco, Roobab Jira Awgeed,  Dhamaan Gaadiidkii ay Weftigu Wateen  oo   uu Kijro Gaadhi Wasiir Warancade  iyo   Gaadiidkii kale  ee Ilaada   Ahaa waxa  ay kuwada Limbadeen  Dhiiqada   Jidka, iyag oo Waayay  Hal Gaadhi oo  kabaxa.
Xanibaadan    ayaa Waxa  ay Cabsi Galisay  Sida Lasheegay Wasiira Arimaha Gudaha  -Mr  Warancade  iyo  Masuuliyiintii kale  ee Lasocotay  oo  uu Kamid ahaa  Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Mr Cadami, Waxana  Wararku  Tibaaxeen in   Wasiirka Arimaha Gudaha  Somaliland Maxamed Cali Waran Cade  oo Ciidamada Qaranka   ee Ceerigaabo     Degan uu  Gurmad  iyo Xoojin Amaan Kadalbaday,  Waxan  Xogo Wareedyadu  Intaas kudareen  Taliyaasha Ciidamada Qaranku   Wasiirka  ugu Laab Qaboojiyeen in aay Wax  Dhibaaato   ah Kajirin     Jidka   Udhaxeeya    Ceerigaabo  iyo Burco, Sidoo kalana   ay  ay Adagtay  in Ciidamo  loosoo Diro Maadamo  ay Jidadku Wada Go,anyiin.
Sida  Sawirada Kamuuqata Wasiirka  ayaa Heegan Culus Galiyay  Tiro Ciidamo  ah    aan Badayn Kuwaas oo uu Amaan Ahaan ukaxaystay

 

COMMENTS
Latest News