Saxilnews.com
Halkan Ka Akhriso Wararkii Ugu Danbeeyey Ee kasoo Kordha Deegaankii Shalay Dirirtu Ku Dhex Martay Labada Beelood ee wada dega
July 21, 2017 - Written by admin

Ceelafwayn (Saxilnews.com)-Wararkii ugu danbeeyey ee saaka naga soo gaadhaya degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in xaaladda deegaanka Dararwayne ee degmada Ceel-afwayn ay wakhti xaadirkan meel adag marayso,iyaga oo duleedka deegaankana ay isku hor fadhiyaan maleeshiyo beeleed labada beelood ka kala tirsani.
Waxaana dirirtaasi khasaaraha ay sababtay oo isa soo tarayaa ay sheegayaan saaka sida ay Ramaasnews u sheegeen dad ku sugan Ceel-afwayn in dhimashadu ay tahay 7 qof oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland iyo dhaawaca dad kale.
Waxaana xalay ilaa saaka deegaanka Dararwayne iyo degmada Ceel-afwayn lagu soo daad gureeyey ciidamo tiro badan oo ciidamada Qaranka Somaliland ah,kuwaas oo gabi ahaanba la wareegay Dararwayne iyo Ceel-afwayn,sidoo kalena ciidamadu waxay gudaha deegaanka ka saareen maleeshiiyaadkii labada beelood ee dirirayey,kuwaas oo isku hor fadhiya duleedka deegaanka balse ay ciidamadu wali ku kala dhex jiraan.
Sidoo kalena ciidamada ayaa waxay gabi ahaanba la wareegeen amaanka degmada Ceel-afwayn oo iyadan alaga dareemayo dhaq-dhaqaaq colaadeed,waxaan ciidamadu sidoo kale ay xabsiyada ku gureen dad tiro badan.
Xaaladda deegaanada ayaa ah mid kacsan oo ay ka taagan tahay xaaladd colaadeed,waxaana ilaa hadda aan la garanayn halka ay saldhigan doonto colaadan dib uga soo cusboonaatay deegaanada degmada Ceel-afwayn.

Waxii soo kordha kala soco Ramaasnews.

Xigasho :Ramaasnews

COMMENTS
Latest News