Saxilnews.com
Halkan Ka Akhriso Maamul Goboleedka Puntland Oo Shaqadii Ka Joojiy TVGA Universal.
March 6, 2017 - Written by Siciid dalmar

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa shaqo joojin ku sameeyay Xafiiskii Telefishinka Universal uu ku lahaa magaalooyinka Puntland, kaddib markii lagu eedeeyay inuu baahiyay warar lid ku ah amniga deegaanada deegaanadaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ahna sii hayaha Wasiirka Warfaafinta, ayaa lagu sheegay in laga mamnuucay Telefishinka Universal inuu ka howl galo deegaanada Puntland.

Xafiiska Universal ee magaalooyinka Garowe, Galkacyo, Qardho iyo Boosaaso ayaa la gaadhsiiyay warqada shaqo joojinta.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa ku eedeysay Telefishinka inuu caadeystay inuu warar been abuur ah ka faafiyo, isla markaana khalkhal geliyay amniga.Puntland ayaa dhibsaday war habeen hore ka baxay Barnaamijka qosol wareedka

loo yaqaano Faaliyaha Qaranka oo lagu soo qaatay warar kaftan iyo qosol laga sameeyay Madaxweynaha Puntland.
Telefishinka Universal ayaa wali wax war ahi ka soo baxay, iyadoo shaqo joojintan ay saameyn ku yeelaneyso shaqaalaha deegaanada Puntland ka howl gala oo wixii hada ka dambeeya aan wax warar ah soo diri doonin.

Ma aha markii u horeysay Puntland shaqo joojin ku sameysay Telefishinada iyo warbaahinta ka howl gasha deegaanadeeda, waxaana hore loogu eedeeyay maamulkan inuu cabudhiyo saxaafada madaxa banaan.

COMMENTS
Latest News