Saxilnews.com
“Hadii Ay Qabyaalad Noqoto Aniga Cid Uga Laandheeraysan Hargeysa Ma Joogto ..” Faysal Cali Waraabe
January 12, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabeoo saaka ka hadlaayey xaflad uu xisbigiisu qabsadey waxaa uu ka hadley arimaha qabyaalada ee waayadan danbe ku soo badanaya dalka

Muddane Faysal Cali Waraabe waxaa uu sheegay marka la eego qabiilka uu yahay iyo qabiilka ay ka soo jeedo hooyadii in aanay jirin cid ka laandheereysan Hargeysa iyo Somaliland ba hadii ay sheekadu noqto qabyaalad .

 

“Walaalayaal qabyaalada aniga waad i taqaanaan hadii qabyaalad lagu faano sidii casri jahligii ,aniga halkaan ka soo jeedo waa la yaqanaa , hooyadeyna reerka ay ka soo jeedo waa la yaqanaa markaas nin iga laandheereysani ma joogo Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland ba ” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News