Saxilnews.com
Haayada SOS Oo Lacag Gudoonsiisay Dad Danyar Ah Oo Ku Dhaqan Gudaha Magaalada Berbera Iyo Hadalo Halkaasi Laga Jeediyey
July 3, 2017 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Gudoomiayaha Golaha Deeganka Berbera oo ay weheliyaan madax ka tirsan haayadaha laamaha dawlada ayaa manta ka qayb galay munaasibad ay haayada sos lacag ku gudoonsiinaysay 150 qof ka katirsan xaafadaha Batalaale Iyo Xaafada Magaalo cad ee Magaalo Xeebeda Berbera

Lacagtani lagu gudoonsiisayey dadkaasi ayaa dhamayd 43,300 Dollar taasi oo ku samaynayaa ganacsiyo kala duwan si kor loogu soo qaado nolsha qoysaska danyarta ah waxaana mashruucani qayb ka yahay mashruuca kobcinta qoyska oo hayada sos sanadadii ugu danbeeyey ka waday magaalada

Gudoomiayah Haayada Sos Maxamed Yaasiin Hasan ayaa Faahfaahin ka Bixiyey Mashruucani iyo sida ay bulshada qaybheeda kala duwan utageeraan

Waxaanu mashruucani ku tageeraynaa ilaa side boqol oo caruur ah kaasi oo gaadhayaa ilaa 160 Qof oo ku dhaqan xaafadaha magaalo cad iyo batalaale waana mashruucan socon doono oo lagu tageerayo danyarta

Halkan ka daawo:-

 

COMMENTS
Latest News