Saxilnews.com
Gudoomiye Salebaan Maanta Waa inuu kala doortaa danta qaranka S\Land iyo Madaxweyne Siilaanyo oo isku Beelyihiin W.Q Kaptanka
April 28, 2015 - Written by admin

Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Md Saleban Maxamud Adan waa nin aqoonyahana kana mid ahaa Siyaasiyiinta Somaliland hormoodka ka ahaa sodonkii sano ee lasoo dhaafay md Salebaan waxa uu ahaa siyaasi halgan dheer usoo galay sidii uu wadanka uga noqon laha Madaxweyne waana Siyaasigii kali ahaa ee u badheedhay inuu kursiga Madaxtooyada kula tartamo Madaxweynihii hore ee Somaliland AHN M.  Ibrahim Cigal doorashadii 1997 kii wadanka ka dhacday ee uu waxyar kaga guulaystay md Cigaal ee ku qancay,

Halka uu madaxweyne Siilaanyo raalida ku ahaa  inuu wasiir u ahaado Madaxweyne Cigaal.  Saleban Madaxweyne inuu noqdo ayuu hamigiisu ahaa maantana isaga iyo Siilaanyo ayaa dalka ugu sareeya oo raali lagaga yahay.

Gudoomiye Saleban wuu ka sareeyaa odayaasha aan aqoonta lahayn ee guurtida laga dhigay waa nin muran siyaasadeed. Soomaray oo garan kara waxay daarantahay. Somaliland waxay ku maahmaahdaa geeljire geela wuu wadajira waana kala jira maanta Salebaan isagaa midada daabkeeda haya oo gudoimiye ka ah golaha guurtida canaantu isagay ugu hordhacaysa hadii wax qaldamaan waxana intaa u dheer inaderkii aya maanta madaxweyne dalka ka ah oo xanba suuqa kuu taala inaad u hiilinayso inaderkaa Ahmed Siilaanyo gudoomiye xanta iska fogee.

Hadaba gudoomiye yaanay ceebi kaa raacin Mudo kordhin aad u ficil samayso xukuumada maanta go, aan shacabka kaa dhuur sugaaya adiga kafarxiya ayaanu kaa sugaynaa maanta gudooniye kaama filayno mudo kordhin ka badan sanadka komishanku soojeediyey inaad sharciyayso sanadka waxii ka badan ceeb ayaa idinka raaci dalkuna idinkuu idinkula xisaabtami ishallah.

Wabilaahi Towfiiq

COMMENTS
Latest News