Saxilnews.com
GUDOOMIYE KUXIGEENKII XISBIGA WADDANI EE DALKA GERMANY OO ISCASILAY
April 23, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

(Saxilnews.com)WAR SAXAFADEED: G/XIGEENKA LABAAD XISBIGA WADDANI LAANTA DALKA JARMALKA
OO XILKII ISKA CASILAY,

Date: 23.April 2017.

Ku: Gudoomiyaha Xisbiga Waddani
Mudane: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro)

OG: Hogaamiyaha Xisbiga Waddani.
Mudane: Xirsi Cali Xaaji Xasan.

OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Mudane:
Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

OG: Gudoomiyaha Qaarada Yurub
Mudane: Abdiqadir maxamed Abdulahi Cukaashe

OG: Gudoomiyaha Laanta Germany
Mudane Hassan Farax Xirsi (Mataan)

OG: Hogaanka Laanta Germany iyo Taageerayaasheeda.

Ujeedo: Iscasilaad (Resignation) letter

Mudane: Gudoomiye,

Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 23 April.2017 waxaan si rasmi ah isaga casilay xilkii gudoomiye ku Xigeenka 2aad Ee Xisbiga WADDANi Laanta germany,

Iscasilaadaydu waa mid shaqsi ah, oo ay kalifeen arrimo shaqsi ah.Waxaan cadaynayaa inaan ahaay shakhsi aaminsan Xisbiga WADDANi, Waxaanan iska Casilaay uun Xilkii Lakiin kamaan Tagiin Xisbiga,

Waxaan mahad gaar ah u celinayaa masuuliyiintii iyo taageerayaashii aanu mudadaa sida fiican usoo wada shaqaynay iyo hogaanka Xisbiga eenu xidhiidhka fiican lahayn intaan xilkan hayey.

Allaa Mahad Leh

Gudoomiye ku Xigeenka Labaad Xisbiga WADDANi Laantiisa Germany
Abdiraxaman xasan cali Hayste,,

COMMENTS
Latest News