Saxilnews.com
Gudoomiye Cirro Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Xisbiga WADDANI Kusoo Dhawaynayey Haween Ka Socday Lixda Degmo Ee Caasimada Hargeysa+Sawiro
September 8, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeys(Saxilnews)-Gudoomiyaha xisbiga WADDANi ahna gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo xisbiga Waddani kusoo dhawanayeen haween iyo dhalinyaro tiro badan oo ka kala socda lixda degmo ee ay ka kooban taahy caasimada hargeysa.

Waxaana munaasibadan soo dhaweynta ah oo ka dhacdey hotel Maroodi-Jeex ee magaalada Hargeysa,iyaguna sidoo kale ka qayb galay saraakiisha ugu sar saraysa xisbiga WADDANI,taageerayaasha iyo waliba haweenka ku nool lixda degmo ee caasimada Hargeys.

Waxanay haween waynahani ay ka dhaawajiyeen in maanta laga bilaabo ay garab iyo gaashaan u noqon doonaan xisbiga WADDANI isla markaana ay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan.

Dhanka kale masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Waddani ayaa iyaguna dhankooda ka dhawaajiyay inay si mug leh ugu dhawaynayaan xisbiga WADDANI.

12345678910 

COMMENTS
Latest News