Saxilnews.com
GUDOOMIYE CIRO OO XALAY KA QEYB GALAY CASHO SHARAF LAGU MAAMUUSEY DADKII AJAANIBKA AHAA EE KA SOO QEB GALAY BANDHIGII CARWADA BUUGAAGTA EE HARGEYSA + (SAWIRO).
July 26, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
GUDOOMIYE CIRO OO XALAY KA QEYB GALAY CASHO SHARAF LAGU MAAMUUSEY DADKII AJAANIBKA AHAA EE KA SOO QEB GALAY BANDHIGII CARWADA BUUGAAGTA EE HARGEYSA + (SAWIRO).

 

Hargeysa (Ilays-News):- Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro ayaa waxaa uu habeenkii xalay ahaa ka qeyb galay  munaasibad casho sharaf ah oo loo sameeyey dadkii ajaanibka ahaa ee ka soo qeyb galay bandhigii Carwada buugagata ee Hargeysa .

1

Munaasibadan oo ka dhacdey  xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo Ajaanib ah isla markaana Hargeysa u yimid sidii carwadaasi uga qeyb gal lahayeen , dhalinyaro , Haween , siyaasiyiinn , wasiiro iyo marti sharaf Kale .

2

Ugu horeyn waxaa madashaasi ka hadley wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani waxaana uu sheegay in masuulyiinta xarunta dhaqanka ee Hargeysa  uu uga mahad celinaayo maamuuskan ay u sameyeen dadkii ajanibka ahaa ee ka soo qeyb galay bandhiga buugagata ee Hargeysa .

3

Sidoo kale waxaa munaasibadan ka  hadley Abwaano , Qoraayo iyo  dad Ajaanib ah waxaana ay dhamaantood ka hadleen ahmiyada ay leedahay  ku dhaqanka iyo soo nooleynta hidaha iyo dhaqanka ay qoomiyadi leedahay .

18

Gabo gabadii waxaa madaashii ka hadley  hadlo kooban uu  ugu mahad naqaayo cid kasta oo maalgalisay xarunta  dhaqanka ee Hargeysa  halkaasi ka jeediyey Gudoomiye Ciro waxaana uu yidhi

12

“Umad hadi uu hidahoodu uu lumo iyaguna waa ay baaba,aan  shacbiga rer Somaliland waa dad ku faana dhaqankooda , hidahooda iyo afkooda xaruntana waxaa ay soo nooleynasaa hidaha iyo dhaqanka Somalida .

Waxaana aanu u  mahad naqeynaa cid kasta oo halkan maal galisay  xaruntan  , waxaaan is leeyahay oo kale carwad sagaal jirsatey ee  bandhiga   Buugagata  wax weyn bay arimaha aanu ka hadleyno ay ku soo kordhisay ” ayuu yidhi gudoomiye Ciro

4567891011
1314151617
1920

 

COMMENTS
Latest News