Saxilnews.com
Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Oo Tartan Adag Ka Dib Hada La Doortey Iyo Dalka Uu Ka Soo Jeedo Masuulka Loo Comaamadey
January 31, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Addis Ababa (SaxilNews):- Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ayaa loo doortayMoussa Mahamat Faki oo u dhashay dalka Chad kadib markii uu ka guuleystey Wasiirka Arrimaha Dibbada ee dalka Kenya Amina Mohamed.

Image may contain: 1 person

Moussa Faki ayaa wareeggii siddeedaad ku guuleystey kadib doorasho adag oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

 

Dowlada Kenya ayaa waxa ay dadaal xoog leh bilihii la soo dhaafay ugu jirtey inay Amina Mohamed oo ka soo jeeda Soomaalida Kenya ay noqoto qofkii ugu horeeyay ee Kenyan ah oo xilkaas qabta.

Hase yeeshee wadamada ku hadla afka Faransiiska ayaa si xoog leh u dagaalamay doorashadan iyagoo diiday in wadamada uu Ingiriisku gumeystey ay kursigaan ku fadhiistaan.

Moussa Faki oo dhashay 1960kii ayaa ka soo qabtay dalkiisa xilal badan waxana uu ahaa ra’iisal wasaaraha dalka Chad 2003- 2005. Faki, ayaa sidoo kale waxa uu ahaa Wasiirka Arrimah Dibada tan iyo sanadkii 2008.

COMMENTS
Latest News