Saxilnews.com
GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE EE SOMALILAND OO SHEEGAY INAANAY DHICIDOONIN WARIYE IYO HAY’AD WARBAAHINEED OO LA ISKA XIDHI DOONO.
September 28, 2015 - Written by admin

Hargeysa  (saxilnews.com):-Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland waxa uu sheegay inaanay jiri doonin wariye iyo hay’ad warbaahineed oo la iska xidhi doono waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Marka ay timaado saxaafada waxaanu raacnay wado cusub oo aanu doonayno in mihnada saxaafada iyo saxafiga inaan  loo xidhin mihnidiisa  marka uu gudanayo, hadii lagu haysto wax danbiya mihnadiina aan la xidhin saxafigiina aan la xidhin,laakiin dacwad lagu furo wixii ay maxkamadu soo saartana lagu xukumo laakiin aan xukunkii maxkamada laga hor dagin.”Ayuu yidhi gudoomiye Aadan Xaji Cali oo la hadlay BBC.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xadhiga qaar ka mid ah fanaaniinta xidigaha Geeska, waxaanu sheegay inay ka duwan yihiin  saxaafada waxaanu yidhi “Fanaaniintu way ka duwan yihiin saxaafada, fanaaniinta, salaadiinta iyo dadka caanka ah hadyo jeer hadii lagu eedaynayo danbi ka dhan ah qaranka iyaga marka hore Booliska ayaa baadhis sameeya haddii la arko inuu danbi dhacay waxa la maraa habkii caadiga ahaa waaran ayaana la dalbadaa dabadeedna waa la soo qabtaa, anagana halkaas waxa nagaga waajib ah inaanu hubino marka waaranka la jarayo inuu buuxo gal dacwadeedku oo shuruudihii laga helay iyo hadhaw marka maxkamada la keeno inay helaan garnaq cadaalad ah.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland.

Gudoomiyaha maxkamada oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qaabka hada loo xidho wariyayaasha, waxaanu tilmaamay inay hadyo jeer khalad galaan ciidamada Boolisku waxaanu yidhi mar kale “Mararka qaarkood khalad ayaa  dhaca xaga booliska ka yimaada kaas oo ah in  qofkii mudo gaaban la qabto iyada oo aan wax waaran ah laga wadan maxkamada, marka kaliya ee maxkamaduhu qofku u xisaabsan yahay waa marka ay iyagu waaran sharci ah soo saaraan, qofkana waaran la,aan laguma xidhi karo, anaguna hab cusub ayaanu raacnay  kaas oo ah inay saxaafadu leedahay hab gaar ah kaas oo ah in dacwad lagu furo, mudadii aan gudoomiyaha ahaana waxa maxkamada soo galay sadex dacwadood oo saxaafada la xidhiidha si caadiya ayaana dacwada loogu furay iyaga oo xora oo dibada joogana ayey looyaro qabsadeen waanay is difaacayaan, wax xadhig ah oo mihnad la qufulayo ama qof saxafiya la xidhayaa ma jiro.” Ayuu yidhi gudoomiye Aadan Xaaji Cali.

 

 

maxamed xasan

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News