Saxilnews.com
Gudoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga Iyo Ladagaalanka Musuq-maasuqa Somaliland Axmed Muxumed Madar Oo Ka Markhaati Kacay Musuq-maasuqa Aafeeyay Haayadaha Kala Duwan Ee Xukuumda Siilaanyo
December 10, 2015 - Written by admin

Hargeysa (SAXILNEWS.COM)_Sanadkasta bisha 12 aad 9 keeda waxaa laga xusaa aduunkoo dhan Maalinta ladagaalanka musuq-maasuqa waxaana xaflad lagu xusaayay maalintaasi ay ka dhacday magaalda hargeysa waxaaan xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuq-maasuqa ee Somaliland Axmed Muxumed Madar isagoo ka sheekeeyay wakhtigii la aas-aasay iyo waxa u qabsoomay iyo caqabadaha hortaagan isla mar ahaantaana carabka ku dhuftay in xukuumada siilaanyo aanay la shaqaynin isagoo ku sababeeyay in aan awoodihii ay lahaayeen ama ay filayeen aan la tix-galin waxaana hadalkiisii ku bilaabay Gudoomiye Axmed Muxumed Madar sidan

 

‘’komishankna horta wuxu la kawsaday xukuumadan maanta talada haysaa markay dhalatay oo digreeto madaxwayne lagu magacaabay oo hore umuu jirin laakiin mid marka curdin ah ayuu ahaa sidaas ayaanu hawlgalkaa ku galnay maantana waxaan odhan karnaa wuu 6 jirsaday runtii hawlgal balaadhan ayaan samaynay oo iskugu jira kuwii isaga lagu aas-aasayay iyo kuwii uu ku hawl galayay labadaba ugu danbayna waanu samaynay’’

Waxaa kale oo gudoomie Axmed Muxumed Madar sheegay in aanay wax badani u qabsoomin taasina ay sabateedu leedahay in xukuumadu aanay wax awooda u ogalaanin iyagoo la xidhiidhinaya xidhiidhkii wada shaqayneedna aan meel marin taasina waxay ragaadisay in komishaka maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqu uu noqdo mid fadhiida isagoo amuurahaasi ka hadlaayana wuxu yihidhi gudoomiye Axmed sidan

‘’runti hadii aan iska dhawro beenta wax badani noogamay qabsoomin sababaha ay u qabsoomiwaayeena waxay ahayd carqalado badan oo naga hor yimid oo xaga sharciyada iyo awoodihii aanu filaynay in nala siiyo aan naloo hagar bixin iyo iskaashi aanu ka waynay xukuumada iyo shacabka’’

Isku soo wada duuboo waxaa u gudoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa axmed uu carabka ku dhuftay in aanay awoodaha ay ku shaqeeyaan aanay ahayn kuwo meel mara ama wax awooda aan lahayn inay wax shaqo ah ka qabtaan musuqmaasuqa baahsan ee aafeeyay laamaha kala duwaan ee xukuumada siilaanyo

 

COMMENTS
Latest News