Saxilnews.com
Gudoomiyaha Kominshanka Doorashooyinka Somaliland Iyo Safiirka Mareykanka U Fadhiya Somaliya Oo Kulan Xasaasi Ah Yeeshay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen + Sawiro 
June 29, 2017 - Written by suxufi
Hargeysa (Saxilnews):- Waxaa uu kulan mihiim ahi dhex maray Gudoomiyaha Komishanka Qaranka SomalilandEng. Abdiqaadir Iiman Warsame iyo Wafti uu hogaaminaayey safiirka Mareekanka ee u fadhiya Somaliland iyo Somalia Danjire Stephen Schwartz.

Image may contain: 2 people, people standing, suit and outdoor

Kulankan oo qaatay mudo saacad ah waxa Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo Danjire Stephen Schwartz ka wada hadleen arimaha doorashooyinka Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa maalintii arbacada aheyd waxa ugu horeyn gudoomiyuhu uga wara bixiyay danjire Stephen arimaha doorashooyinka iyo sida habsami u socodka ah ee ay u socoto kaadh qaybintu.

Image may contain: one or more people, people standing and suit

Sidoo kale waxa uu uga mahad celiyay taageerada ay ka geestaan dhanka doorashooyinka isaga oo carabka ku dhuftay dhanka daabacaada kaadhadhka iyo taageerada dhanka wacyi galinta ay ka qayb qaateen.

Danjire Stephen Schwartz waxa uu dhankiisa aad ugu amaanay KDQ hawsha baaxada leh ee ay hayaan iyo habsami u socodkeeda, sidoo kale waxa uu ku amaanay in ay u babac dhigeen hawsha kaadhqaybinta iyo doorashadaba, sidoo kalana ay xukuumadu ka taageertay dhaqaalihii hawshaas ku baxaayey.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing, suit, wedding and outdoor

Gabagabadii waxa uu Gudoomiyaha komishanku u ban dhigay Danjire Stephen hawlaha u baahan in ay wax kala qabtaan, arintaas oo uu soo dhaweeyay danjiruhu una balan qaaday in inta awoodooda ah ay wax kala qaban doonaan codsigooda.

COMMENTS
Latest News