Saxilnews.com
Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Ayaa Tacsi Udiray Eheladii Sarkaal Suldaan/General Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal)
March 25, 2015 - Written by admin

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, wuxuu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka, qaraabada, Ciidammada Booliska, bahda madaxdhaqameedka iyo shacabka Somaliland geerida Marxuum Suldaan/General Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta (25/03/2015) ku geeriyooday dalka Talyaaniga.

Marxuum Cilmi Kabaal waxa uu door wayn ka soo qaatay dhismihii ciidammada Qaranka iyo nabadayntii waddanka, isagoo laba jeer Taliye ka soo noqday Ciidanka Booliska Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu Marxuumka naxariista janno ka waraabiyo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan inaga siiyo Aamiin.

ALLAH                 MAHAD             LEH

 

Mustafe Iid Maxamed

Agaasimaha xarunta Dhexe ee xisbiga KULMIYE

COMMENTS
Latest News