Saxilnews.com
Garabka Kornayladda Ee Xisbiga KULMIYE Oo Saddex Cisho U Qabtay Inay Dhamaan Musharaxiintu Iska Soo Xaadiriyaan Xarunta Dhexe Ee Xisbiga
November 4, 2015 - Written by admin

hargeisa (SAXILNEWS)_Dhammaan murrashaxiinta doonaya inay ku tartamaan jagooyinka madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen ee shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo u muddaysan maalinta Salaasadda ee taariikhdu tahay 10-ka bisha November 2015, waxa lagu wargelinayaa inay ku yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda JSL Hargeysa muddo saddex maalmood ah gudahood oo ka bilaabmaya 04/11/2015 (Arbaca, Khamiis iyo Sabti), si loogu sheego shuruudaha u yaal murrashaxnimadooda iyo xeer-hoosaadka khuseeya arrimahooda. Haddaba, waxa mar labaad lagu adkaynayaa inay waqtiga ilaaliyaan oo ay maalmahaas iska soo xaadiriyaan xarunta KULMIYE, iyadoo ciddii muddadaas gudaheeda ku imanwayda loo aqoonsanayo in aanay danaynayn tartanka murrashaxnimada xisbiga gudihiisa ee shirka Golaha Dhexe.

ALLA MAHAD LEH

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE

Xasan Siciid Yuusuf

COMMENTS
Latest News