Saxilnews.com
gantaal Gantaalo Kuwa Ridada Dheer Ah Lagu Soo Oo Weeraray Magaalada Barakeesan Ee Makka Iyo Sacuudiga Oo Ka Jawaabtay.
October 28, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Jiddah(Saxilnews) :-Dalwada Sucuudiga ayaa sheegtay in Sheecada Xuutiyiinta Dalka Yemen ay Gantaalaha Ridada Dheer kusoo tureen Magaalada barakaysan e Makka.

Wakaalada wararka u faafisa Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in Gantaalka ay soo rideen Kooxda Xuutiyiinta uu ku dhacay meel 60km u jirta Magaalada Barakeesan ee Makka, waxa ayna Wakalaadu sheegtay in gantaalkaasi uusan wax qasaaro ah geesan.

Dawlada Sucuudiga ayaa sheegtey in ay si deg dega ah uga jawaabtey ganataalahaasi laga soo tuurey Magaalada barakaysan ee makka iyada oo diyaaradaha dagaalka ee Sucuudigu weeraray goobihii laga soo tuuraayay Ganataalada ridada dheer.

War kasoo baxay Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa lagu sheegay in gantaalka ay ku rideen Sacuudiga ay la beegsanayeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Jidda oo qiyaastii 100km u jirta magaalada Makka.

COMMENTS
Latest News