Saxilnews.com
Ganacsatadu Xaq Ma Uleeyihiin Inay Shaqda Dekeda Joojiyaan Halkan Ka Akhri Warbixin Xaqiiqo Ah.
March 16, 2019 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Waa Maxay Sababta Ay Shaqda Ujoojiyeen Ganacsatada Dekeda Berbera

Qaar kamid ah ayaa joojiyey shaqada Dekeda Berbera Kadib Markii ay shirkada Dp World Fadhiisisay Qiimaha Sarifka Lacagta Dekeda Berbera Ay Qaado iyadoo Hore uqaadi Jirtay halka dolar $1= 7500 Shiling 2016 Halkii Dolllar wakhtigii ay xukuumada Somaliland Heshiiska Kala Saxeexdeen taasi oo wakhtigaasi qiimaha Dollarku intaas Marayey balse .

Balse wakhtigan waxay sheegeen inay khasaaraha xoogan kala kulmaan sarifka lacagta dollarka maadama uu dolarku qaaliyoobay oo ah 1 =9500 Shilin balse ay wakhtigan ku fadhiisyeen ama ka dhigeen sarifka $1= inuu noqdo 8500 shilin kaasi oo ka jaban markasta qiimaha sarifka dollar ee guud ahaanba dalka .

Balse ganacsatada ayaa iyaguna dhankooda ku sarifta qiimaha dollar halkii dollar $ 1= 9500 -10000 shilin oo somaliland taasi oo macnaheedu yahay kaligay aan macaasho .

Ganacsatada ayaa markasta kasoo horjeesta talaabo kasta oo la damacsan yahay in dalka lagu horumarinyo oo dhex baadha ama eega dantooda gaarka ah .

Geesta kale dekeda Berbera waxay kamid tahay dekedaha ugu cashuurta iyo qiimaha jaban dekedaha geeska ku yaala balse ganacsatada dekeda Berbera ayaa umuuqda kuwo baal marsan arimaha culus ay qaranka u hayaan iyo dhaqdhaaqa ganacsi ee dalka .

Ganacsatadu xaq umalaha inay joojiyeen shaqda qaranka iyo dekeda ee waxay xaq uleeyihiin inay si cad usoo bandhigaan wixii ku saabsan tabashadooda gaarka .

Maraanu Dp world mar walba waxay ku dacwoonaysaa qiimaha dollar ee dalka marba sida uu yahay ayaanu ku dhaqmaynaa arinkaasi xaq ayuu umuuqda runtii .

Laaakiin ganacsatadu waxah dhankooda ku dacwoonayaan ana halkii $1 waxaan qaadayaa 10000. Shilin

Adiguna Dp World $1 dollar qaado 7500 Shilin cadaalada maaha arintaasi hadii si sax ah looga hadlo .

COMMENTS
Latest News