Saxilnews.com
Gammaanka Iyo Soomalidii Hore.!
March 31, 2018 - Written by indho indho

Hargsaysa(saxilnews.com)
Qoob Wayn Sida Uu Geeraar Inoogu Tibaax Mansayahnkii Amaanta Fardaha Ku Dheeraaday, Waa Abwaankii Reer Togdheere

Sidii naaf gamaanol mirtii, cidina gayn wayday Oo geesigii fuuli jiray, gees u socoteeyey Galiilyoodayeey miyey xalay gubatay laabtaydu.

••• Abwaankii dhuunta waynaa AHUN Cabdilaahi Maxamed Suldaan Timacadde. Waa halkii Wadaadkii dhuunta waynaaye “Waxba yaan araar tiigsan iyo, tooxistii gabaye.” Aan ku soo hore mariyo, marka horeba dulucda qormadan. Oo aan kuugu bariijiyo, kuguma millo Maah-maahdii hal muceedkeedu koobsanaayo dulucda qormadan.

• Haddi aad xillo dooni xamaro ag joog

• Haddi aad xoolo dooni xamaro ag joog

• Haddi aad xarago dooni xamaro ag joog Aan u soo gunddo dago hadal iyo hilbaba kala qallane. Nuxurka qormadan. Gammaan waa magac guud oo laysku yidhaa “Fardaha, Baqlaha, Dameeraha, Farowga iyo Gunburiga”

 

COMMENTS
Latest News