Saxilnews.com
Gaadhi Taxi (VITZ) ah oo Suuqa Badhtankiisa si Badheedh ah nin Traffic ah ugu jiidhay+ Sawirro
November 30, 2015 - Written by admin

Gaadhi Taxi (VITZ) ah oo Suuqa Badhtankiisa si Badheedh ah nin Traffic ah ugu jiidhay+ Sawirro

Hargeysa (SAXILNEWS.COM)_Saaka Aroortii Hore ayuu nin Taraafik ah Gaadhi Vitz ah nooca yar yar ee loo yaqaano DUKHAAN-ka ahi ku jiidhay Badhtamaha Suuqa Hoose ee Hargeysa. ninkan la Jiidhay ayaa uu Madaxu kala dilaacay Waxaana Loola Cararay Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa.

“Ninka Taraafik-ga ahi wuxuu Jooji is yidhi Gaadhiga yar oo Meel Cidhiidhi ah marayey ka dib wuu joogsan waayey, tarafik-ga oo gaadhi dhinaciisa dhirbaaxo ku dhufanaya ayuu kii taxiga Watay ku yidhi Joojin maayo oo waliba waan ku jiidhsiini, markiiba intuu hore u orday ayuu soo kala jeestay oo wuu ku dhuftay ninkii Taraafik-ga ahaa oo Duulaya ayaa ku dhacay Albaabka Bas meesha taagnaa waxaana kala dilaacay Madaxa markuu dib dhulka ugu soo dhacayna wuu sii jiidsiiyey, ka dibna Baxso isagoo isle ayuu Bas wayni ku hor qabtay.” sidaa waxa yidhi Goobjooge ku sugnaa Goobta lagu jiidhay Ninka Taraafik-ga ah .

Goobta shilkani ka dhacay oo aan waxbadan ka fogayn saldhiga Dhexe ee Hargeysa ayaa waxa markiiba soo gaadhay Ciidanka Booliska oo Xabsiga u taxaabay Gaadhigii Yaraa iyo ninkii Watay oo u muuqday Nin Dhalinyaro ah.

Dhinaca kale Nin kii Taraafik-ga ahaa ayaa markiiba loola soo Cararay Dhinaca Dhakhtarka Wayn iyadoo la dhigay Qolka Qaliinka Deg Deg Dega ah si loo Furdaamiyo Xaaladiisa oo aad u liidatay.

gaadhi

https://i0.wp.com/waaheen.com/wp-content/uploads/2015/11/gaadhi1.jpg?resize=713%2C789

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM 

COMMENTS
Latest News