Saxilnews.com
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Tartankii Ugu Adkaa Waajahday Maanta
January 1, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Muqdisho(Saxilnews) Siyaasiyad Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah xubin kazoo jeeda Somaliland una tartamaysay Golaha Aqalka Hoose Ee Barlamaanka Somaliya ayaa maanta gashay tartankii ugu adkaa ee xulista kuraasta aqalkaasi.

Waxaanay kamid ahayd xubno maanta loo xulaayey Aqalkaasi Hoose ee Somaliya, iyada oo ay tartan adag la galeen saddex xubnood oo kale, kuwaas oo ay ku jireen laba nin iyo laba dumar ahi.

Afartan ruux ayaa u wada tartamaayey kursiga kowaad ee aqalka Hoose ee Somaliya, iyada oo la filaayo in la kala xulo xildhibaanadaasi.

Waxaanay kala ahaayeen xubnahaasi sidan hoos ku qoran.

1:Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

2:Caasha Aadan Yuusuf

3:Ismaaciil Xasan Jaamac

4:Qaasim Ismaaciil Axmed.

Xubnahan ayaa la filayaa inay kala reebaan guddida kala saarista iyo xulista xildhibaanada Aqalka hoose ee Somaliya, iyada oo la dhaarin doono dhowana, waxaana waqtigan la galay wejiyadii ugu dambeeyey ee xulida xildhibaanadaasi.

COMMENTS
Latest News