Saxilnews.com
FIFA oo soo bandhigtay lacagaha ay kala heli doonaan xulalka ka qayb galaya Koobka Adduunka ee 2018
November 30, 2017 - Written by editor

 

Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa soo bandhigay lacagaha ay kala heli doonaan dhammaan xulalka ka qeyb galaya Koobka Adduunka ee sanadka soo socda ee 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka.

Waxa ay FIFA ugu talo gashay bilowga hore in dhammaan xulalka loo kala qaybiyo lacag dhan 400 milyan oo euro, waxaana xul walba 32-ka xul uu heli doonaa 1.27 milyan oo euro si uu ugu diyaar garoobo ka qayb galka Koobka, iyadoo miisaaniyadda FIFA ay ugu talo gashay koobka adduunka ee 2018 uu ka badan yahay tii ay ku bixisay Koobkii Adduunka ee ka dhacay Brazil sanadkii 2014-kii.

Wareegga Guruubyada koobka Adduunka xulkii ku hara ayaa waxa uu heli doonaa 6.7 milyan, halka xulalka u soo gudba wareegga 16-ka ayaa heli doonaan 10.14 milyan.

Xulalka  soo gaara wareegga 8-dhammaadka Koobka Adduunka ayaa heli doona 13.5 milyan, halka xulalka u soo gudba afar dhammaadka ay heli doonaan 18.6 milyan.

Kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka xulka gala ayaa isna heli doona 20.28 milyan, halka xulka gala booska labaad ee koobka laga qaaado inta final-ka tago uu heli doono 23.6 milyan oo euro.

Xulka ku guuleysta Koobka Adduunka ee 2018 ayaa isaguna faraqa ku shuban doona lacag dhan 32.1 milyan oo euro.

Waxaa la xusuustaa in  xulka Jarmalka oo ku guulaystay Koobkii Adduunka ee sanadkii 2014-kii uu helay 29.59 oo euro

COMMENTS
Latest News