Saxilnews.com
Faysal Cali Waraabe Wada Qorshe uu Ku iibinayo Xisbiga Ucid Musharax Jamaal Cali Xuseen iyo Kuxigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan oo Dacwad kadhan Ah Gudoomiyaha Xisbiga Ucid U Gudbiyay Maxkamada Sare
November 14, 2015 - Written by admin

Hargeisa (SAXILNEWS)_Warar Hordhac ah oo Hada  Soogaadhay shabakada saxilnews  ayaa    kuwaramaya in uu khilaaf Culusi Kadhex Qarxay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid  Eng Faysal Cali Waraabe   iyo Musharaxa Xisbigaas   jamaal Cali Xuseen   iyo Kuxigeenkiisa  Cabdirashiid Xasan Mataan, Khilaafka ayaa Qarxay Markii  Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Bilaabay  Wadahadalo hoose  oo  uu Xisbiga Ucid Ugu Raadinayo Masharax  Madaxwayne  oo aan Ahayn   Jamaal Cali Xuseen.

Waxana  ay Wararku Intaas Kudarayaan in uu Faysal  Cali Waraabe    Wadahadal hoose Lafuray   Garabkii Kajabay Xisbiga Kulmiye  Kuwaas oo uu hormuud Uyahay  Ex Wasiir Xirsi    A-Samaale  M-Bixi Yonis,Garabkan ayaa   haystay  Dhaqaale Culus  oo  ay  Durba Kuruxeen  Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, Waxana  Kago,an in ay Furtaan Xisbi  ay   ugu Yaraan Guuldaro kubadaan    Musharax Muuse Biixi oo Dhawaan Si Jujuub ah  Loogu Caleemosaaray  Hogaanka Kulmiye.

inkasta oo ay Xogtani Noocadaynin uu  Gudoomiye Faysal  Heshiis Lagalay Garabkan Kagoostay Kulmiye balse  Waxa  ay Xogtu Tibaaxday in     ay Maxkamad  ila Galayaan Faysal  iyo musharaxiinta Ucid, taas oo Lafilayo in  Badhtamaha Wiiga   Dhagaysiga Dacwadoodu Kabilaabanto  Maxkamada   Somaliland.

Wararka  Soogadhay Saxilnews Waxa  ay Intaas Kudarayaan    Muj-Ali Guray oo ah Gudoomiyaha Sadexaad  ee Xisbiga Ucid  uu Siwayn  ugula Socdo  Gudoomiye Faysal In  Musharaxnimada Xisbiga Laga Wareejiyo Jamaal Cali Xuseen, Isaga oo Sida Lasheegay   Goob Joog Ka ahaa Wadahadalada  Dhexmaraya  Gudoomiye Faysal  iyo Garabka Kulmiye Kasoo Jabay  ee Doonaya in  Ay Awood Dhaqaale  kula Wareegaan Xisbiga Ucid.

Ilaahada     Wax War ah  oo Arintan Laxidhiidha Kama Soobixin   Dhinacyada Xisbiga Ucid Balse Xubno Sarsare oo  kamida Hogaanka Xisbiga Ucid  ee Laamaha Debeda  Ayaa  Iyagu u Xaqiijiyay    Shabakada Somalilandlive.com   ,Khilaafka  Kadhex Bilaabmay Xisbiga  Ucid Waxana Lagu Wadaa in Maalinta Bariya    Sicad  uu Arinta uga Hadlo   jamaal Cali Xuseen  iyo Kuxigeenkiisu.

Dhawaan   Waraysi  uu Shabakada saxilnews  Siiyay Musharax Jamaal Cali Xuseen Waxa uu Meesha Kaasay in   Xisbiga Ucid  Looqabanayo Shir Danbe oo Musharax Loogu Dooranayo, Isaga oo Sidoo  kalana Sheegay in ay  faysal Cali Waraabe Ka Heshiiyeen  Khilaafkii Dhexdooda.

Wixii Kasoo Kordha  kalasoco   Baahintayada  Bari   Hadii alle  Idmo

Hargeisa/ Somaliland

COMMENTS
Latest News