Saxilnews.com
FAYSAL CALI WARAABE OO MAGAC CUSUB U BIXIYEY WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SOMALILAND 
September 9, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay in uu magac cusub isagu u bixiyey wasiirka arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire

Muddane Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay  in uu wasiir Sacad  u bixiyey   magaca ah  (Wasiir  Sanqadh Yare )  waxaana uu yidhi

“Waxaa aad ugu mahadsan  heshiiska dekada Berbera oo isna ka shaqeeyey  wasiirka arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo aan anigu u bixiyey (Sanqad Yare ) oo isagu warmihii laga ganeeyey  dekada Berbera ay isaga ku dhici jireen oo uu u adkeystey sidii aan aniguba dagaalkii garxaajisyada ugu adkeystay ” ay yidhi Faysal Cali Waraabe

COMMENTS
Latest News