Saxilnews.com
FASHILAADA SOMCABLE + SIDII LA FILAYEY AANAY U SHAQAYN + CAQABADAHA HAYSTA
September 10, 2015 - Written by admin

Hargeisa (Saxilnews)- Muda badan oo la sugayey shirkada gaarka loo leeyahay ee SOMCABLE ayaa ku fashilantay xawaaraha internet ka oo aanay noqon sidii la filayay halkaas oo internetkii bulshada lagu talo galay la musuqmasuqay kana dhigtay magaca SO una shaqaysay sida shirkadaha Somtel iyo telesom oo marka dhinaca internet ka la eego ay ka xawaare fican yihiin kana qiimo jaban yihiin shirkada SO.

Halkaas oo shirkada magaca laga badalay ee SO oo markii hore kusoo gashay dalka Somaliland SOMCABLE oo ay qacabado badan ay ka hor imaadeen gobolada bariga sida Saaxil iyo Togdheer oo ilaa imika laysku afgaran laayihiin beelaha goboladaas.

Caqabada ugu wayn ee shirkada SO haysata ayaa ah iyadoo aanay gacanta ugu jirin mulkiilaha shirkada SOMCABLE ee Maxamed Aw Siciid Geedi halkaas oo ay gacanta ugu jirto dad ku dhawdhaw isaga una sababay maamul xumo iyo adeeg la’aan baahsan halkaasi oo ay isa soo tarayaan cabashada dadwaynaha?

 

 

 

 

 

 

 

 

SAXILNEWSOO5@GMAIL.COM

 

 

 

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News